Ingiriiska oo iftiimiyey Danaha iyo Noocyada Cilaaqaad ee ka dhexeeya Somaliland iyo kulamo Dhexmaray Madaxweyne Siilanyo | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Ingiriiska oo iftiimiyey Danaha iyo Noocyada Cilaaqaad ee ka dhexeeya Somaliland iyo kulamo Dhexmaray Madaxweyne Siilanyo
June 17, 2015 - Written by Editor:

London, (Wajaalenews)- Xukuumadda Ingiriiska ayaa shaac ka qaaday inay si dhow isaga kaashadaan Somaliland danaha ay wadaagaan, kulamo joogto ahna yeeshaan madaxda ka tirsan.

Mr. Stephen Doughty, xildhibaan ka tirsan xisbiga mucaaradka Shaqaalaha (Labour Party) ayaa fadhi baarlamaanku yeeshay dorraad xoghayaha Arrimaha Dibedda iyo arrimaha Barwaaqo-sooranka ku weydiiyey xilligii u dambaysay ee kulamo uu la yeeshay xukuumada Somaliland.

uk

downloadJames Duddridge oo ah ku-xigeenka xoghayaha Arrimaha Dibedda ee baarlamaanka u qaabilsan Xukuumadda Raysal-wasaare David Cameroon, oo ka jawaabay ayaa sheegay inuu kulan la yeeshay madaxweynaha Somaliland Axmed Siilanyo iyo wasiiro xukuumaddiisa ka tirsan bishii tobnaan ee sannadkii hore, xilligaas oo madaxweyne Siilaanyo iyo wefti uu hoggaaminayaa dalka Ingiriiska kaga qayb-galeen shirkii ganacsiga iyo horumarinta Somaliland.

Mr. Duddridge ayaa sheegay inay ka wada hadleen horumarka dhaqaale ee Somaliland, arrimaha siyaasada, iyo iskaashigooda horumarka.

“Saraakiisha Wasaaradda Arrimaha Dibedda Ingiriisku si joogto ah ayey kulamo ula yeeshaan madax ka tirsan Somaliland, waxayna si dhow uga wada-shaqeeyaan danaha ay wadaagaan labada waddan,” ayuu yidhi Mr Duddridge, isagoo intaas ku daray, “Safiirka u qaabilsan Soomaaliya Ingiriiska bishii May waxuu booqasho ku tegay Hargeysa, kulana wuxuu la yeeshay madaxweynaha Somaliland.”

COMMENTS
LINKS