HOYGA WAALIDA! sheeko xiise leh Waxa qoray SAKARIYE RIIRAASH | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
HOYGA WAALIDA! sheeko xiise leh Waxa qoray SAKARIYE RIIRAASH
June 3, 2015 - Written by Wariye:

Waa dad qayirmay, dubaaqooka iyo dareenkooguna meel kalyuu ku wada dabranyahay, waa dadyow wada degen, muxubo iyo muusanawna isku haya hoostana iska haaraamaya, haddana ma ogola inay kala dareeraan oo way is dugsadaan, mid kastaana ka kale ag joogiisu jecelyahay, midina kama maarmo inuu ka maqnaado wax ka badan miridho, hoygaa inkaaran iyo dadka inkaaran midiba xili buu isku soo xareeyay, saacaday is ag yuururaan haddana lagama yaabo inay eray is idhaahdaan, si kasta ha ugu soo kala horeeyaane, way u siman yihiin, maamulka hoyguna il gooniya ayuu ku wada godaa.

ZAKI
Hoygaa waxaa dhex degen oo ugu caansan hebel iyo hebel, oo hormood inoo ah, hogaankana inoo haya, markuuse hoygaa ku dhex jiro dadkaa kale waalan uun buu la siman yahay, inkastoy dadka badankoogu ku soo ururaan markuu eray soo tuuro ba, ayidaad iyo aqbalaad ula raxleeyaan.
Waa hoy been la iskugu sheekeeyo, waa hoy qofkastaa dareenkiisa ku muujiyo, waa hoy kii aqoon laawihii aqoonyahan noqdo, waana hoy aad adna ku jirtid, mararka qaar waa jeel aanad ka bixi Karin, kaba darane adiguna maba rabtid inaad ka baxdo.

Jeelkaas dhawr sanno ka hor ayaa anigoon cidna I khasbin gacmahayga iskaga xaadiriyay. Ilaa haddana waxaan ahay dambiile u xidhan dambi aan galabsaday oo dad jacayla. Markii lanoo xayaysiin jiray, been baa la noogu xero galiyay, aniga iyo inta ila raga ah waxay noogu sheekeeyeen dumar wada bislaaday baa meesha ka buuxa, dumarkana waxay ugu sheekeeyeen rag wada guurdoona ayaa meesha dhex fadh fadhiya oo idinkuun idin sugaya. Qaar kallena waxaa lagu yidhi hebel iyo heblaayo oo aad kala baadeen baad meesha ku kulmaysaan, mid qurbo khiyaamo ku gala iyo mid wax barasho u doontaba. Hadaladaasi waxay dheef u ahaayeen maankayaga gaajaysan waxayna toos u taabanayeen wadnayaashayda damacu qarqiyey. Erayadoodaa beenta ah waxay ku soo hoystaan ku dhawaad dad malaayiin dhaafayaa. Dadku kala darane waxaa jira qaar yaab uun la aamusan oo meesha ka waayay waxay ka sugayeen. dad hadal uun ka soo hadhay oo markasta duryamaya, dumar ka sheekeynaya uun jacayl, waxaa ku jira meesha dad raadiyow ah oo meesha wararka ka gudbiya, waxaa ku jira dad ganacsanayaa oo meesha ganacsigooda ka wata, tallow kuwaasi ma dadka waalan bay wax ka iibinayaan waa yaabka yaabkiis adiga se waa yabaalkaa.

Labadii qof ee meesha is arkaa ways bariidiyaan bogaadin iyo beer laxawsina bogay isku galinayaan misana waxayna isku hoos raaciyaan qosol ay axmaqnimo ku dheehantahay, waa meel kii yaraa ee miskiin ahaa gudoomiye lagu sheekayo, isagoon waxba hayn, isaguna uu rumaysano beentooda aan raadka lahayn.
Haddeer waad qoslaysaa oo waad fahantay hoygan aan tibaaxayo waxaanad se ogayn inuu xumaantaas oo dhan lahaa, waxaad aamintay inuu yahay wixii ugu fiicnaa ee noloshaada ku dhacay, misana waxaad is waydiisay habeenkasta si laโ€™aantiis nololi suurto gal u tahay, waayo noloshaadii baad ku xidhay

Hoygaas Farxad iyo murugoba way dhex taalaa, inkastooy markasta dhanka farxada u jeedo diiradu, oo tahniyada iyo ogaysiisyada ilbidhiqsi layskula gaadho, haddana tacsi kama madhna, iyagoo qiiraysan oo quluubtooda iyo indhohoogu hoorayaan ayay ku tacsiyadaynayaan markaad ka dhaqaaqaan bay se kaga eegtahay, oo wajioogu si deg deguu farxadoodii iskugu sooo celinayaa.

Maantoo dhan Gidaar baad Xarxariiqaysaa oo aad ku xardhaysaa marba waxaa xasuustaadu soo qabato, maalmahana hoostaad ka tirinaysaa, oo maxaad u tirinaysaa ee kugu wata, dee mooji.

Intaad xaaladaa waalida ah ku jirtid, erayada lagu odhanayo oo dhanbaa macno weyn kuu samaynaya dareenkaagana gad gadiyaya, haddana ma dhaadanid, tilmaamihii hoy lagu yiqiinay in yar baa kaga suntan, waad dhex fadhidaa, hasayeeshee hadana ku ma nasatid oo intaa waad xiiqsan tahay, farahaaguna intaas si joogto ah ayay isku ag marmarayaan, maankiyo afkuna si aan kala go lahayn ayay shaqadooda u gudanayaan, waxay helaana si toosa ayay u soo gudbinayaan, Cag ma dhaqaajisid haddana intaas meel kastaad maraysaa, mararna waxaad gaadhaysaa dalal aanad gaadiid iyo lug aanad ku gaadheen, ayaamaha qaar waad oydaa, maalmo kallena kaligaa baa iska qosla iyadoon qofi kuu dhawayn.

haa haa waan ku ogahay oo ma rabtid inaad hoygaa waalan ka dhex baxdid, ana kulama rabo inaad iga fogaatid, faaido se labadeenaba inooguma fadhiyo, imika waad dhex fadhidaa ana waxba kaama fogi,

Sakariye Rirash

COMMENTS
LINKS
       
       
       
      ๏ปฟ