|
|||||
WAJAALE NEWS
Hay’adda Lacagta Adduunka Oo Sheegtay In Dhaqaalaha Somalia Kor u Kacay 2014
June 19, 2015 - Written by Editor:Nairobi(Wajaalenews)Hay’adda lacagta Adduunka ee IMF ayaa muddo 25 sannadood kadib soo bandhigtey wabixin ku saabsan korodh ku yimid dhaqaalaha ee Soomaaliya, halka uu markii hore ka ahaan jirey “NA” Not Available Hay’adda IMF ayaa sheegtay in sanadkii la soo dhaafay ee 2014 dhaqaalaha Soomaaliya kor u kacay qiyaas dhan 3.7%. “Dhaq-dhaqaaqa ganacsiga ayaa lagu qiyaasayaa in uu gaadhayo 3.7% sanadkii 2014, waxaana ka qayb-qaatey waxsoosaarka beeraha, xoolaha nool, dhismayaasha iyo Isgaadhsiinta” sidaas waxaa lagu sheegay warbixinta IMF. Hay’adda lacagta Adduunka ayaa qiyaaseysa sanadkan 2015 in dhaqaalaha Soomaaliya kor u kacayo 2.7%. “ Soomaaliya waxay u baahan tahay aragtiyo is waafaqsan marka la eego Federaalka Maaliyadda, oo ay ku jirto damaanad qaadka helitaanka adeegyada, dakhli ururinta iyo wadaagiisa,” ayaa lagu yidho qaraalka. IMF ayaa warbixinteeda ku sheegtey in Dawladda Soomaliya si xoogleh ugu tiirsan tahay gar-gaarka caalamka, waxaana ay ku baaqdey in la adkeeyo Hay’adaha Maaliyadda iyo hagajinta kor u qaadida dakhliga. Kooxda baaritaanka samaysey ayaa shirar la qaatey Wasiirka Maliyadda ee Soomaaliya Maxamed Aadan Ibraahim, ku-xigeenka Wasiirka Qorsheynta Cabdullaahi Shiikh Cali iyo Guddoomiyaha Bangiga Dhexe Bashiir Ciise Cali. Haseyeeshee, Hay’addan qiimaynta ku samaysay dhaqaalaha Somalia waxay qiimaynta ku samaysay magaalada Nairobi oo ay horraantii bishan June kulamo ku qabatay, balse may bookhan waddanka ay qiimaynta ku samaynaysay. Hay’adda IMF ayaa Xukuumadda Soomaaliya dib u aqoonsatey Abril 2013, inkasta oo aqoonsigaas aysan Soomaaliya waxba u soo kordhin ma jirto deeq & deyn ay IMF bixisey aqoonsigaas kadib.
Related posts:Dhambaal Furan Oo Ku Socda Kooxaha Tirada Yar Ee Ka Soo Horjeeda Heshiiska Shirkada DPW Ku Maal... DAAWO: SULDAAN IBRAAHIM JAAAMAC SAMATER EEDEYMO U DIREY XISBIGA KULMIYE KUNA BAAQAY IN XUBNO FIRFIRC... Xisaabiyaha Guud Oo Iska Indho Tiray Wareegto Madaxweyne, Isla Markaana Wada Dhismayaal Aan Guddida ... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|