Hay’adda Lacagta Adduunka Oo Sheegtay In Dhaqaalaha Somalia Kor u Kacay 2014 | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Hay’adda Lacagta Adduunka Oo Sheegtay In Dhaqaalaha Somalia Kor u Kacay 2014
June 19, 2015 - Written by Editor:

Nairobi(Wajaalenews)Hay’adda lacagta Adduunka ee IMF ayaa muddo 25 sannadood kadib soo bandhigtey wabixin ku saabsan korodh ku yimid dhaqaalaha ee Soomaaliya, halka uu markii hore ka ahaan jirey “NA” Not Available

imf.

Hay’adda IMF ayaa sheegtay  in sanadkii la soo dhaafay ee 2014 dhaqaalaha Soomaaliya kor u kacay qiyaas dhan 3.7%. “Dhaq-dhaqaaqa ganacsiga ayaa lagu qiyaasayaa in uu gaadhayo 3.7% sanadkii 2014, waxaana ka qayb-qaatey waxsoosaarka beeraha, xoolaha nool, dhismayaasha iyo Isgaadhsiinta” sidaas waxaa lagu sheegay warbixinta IMF. Hay’adda lacagta Adduunka ayaa qiyaaseysa sanadkan 2015 in dhaqaalaha Soomaaliya kor u kacayo 2.7%.

“ Soomaaliya waxay u baahan tahay aragtiyo is waafaqsan marka la eego  Federaalka Maaliyadda, oo ay ku jirto damaanad qaadka helitaanka adeegyada, dakhli ururinta iyo wadaagiisa,” ayaa lagu yidho qaraalka. IMF ayaa warbixinteeda ku sheegtey in Dawladda Soomaliya si xoogleh ugu tiirsan tahay gar-gaarka caalamka, waxaana ay ku baaqdey in la adkeeyo Hay’adaha Maaliyadda iyo hagajinta kor u qaadida dakhliga.

Kooxda baaritaanka samaysey ayaa shirar la qaatey Wasiirka Maliyadda ee Soomaaliya Maxamed Aadan Ibraahim, ku-xigeenka Wasiirka Qorsheynta Cabdullaahi Shiikh Cali iyo Guddoomiyaha Bangiga Dhexe Bashiir Ciise Cali.

Haseyeeshee, Hay’addan qiimaynta ku samaysay dhaqaalaha Somalia waxay qiimaynta ku samaysay magaalada Nairobi oo ay horraantii bishan June kulamo ku qabatay, balse may bookhan waddanka ay qiimaynta ku samaynaysay.

Hay’adda IMF ayaa Xukuumadda Soomaaliya dib u aqoonsatey Abril 2013,  inkasta oo aqoonsigaas  aysan Soomaaliya waxba u soo kordhin ma jirto deeq & deyn  ay IMF bixisey aqoonsigaas kadib.

 

COMMENTS
LINKS