Hay’adda Dhawrista Tayada Oo Gubtay Dawooyin Dhacay Lagu Qabtay Madaarka Cigaal | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Hay’adda Dhawrista Tayada Oo Gubtay Dawooyin Dhacay Lagu Qabtay Madaarka Cigaal
June 17, 2015 - Written by Editor:

Hargaysa(Wajaalenews)Hay’adda dhawrista alaabooyinka ee Somaliland, ayaa maanta gubay Dawooyin dhacay oo dalka soo galayay, kuwaasi oo lagu qabtay Madaarka diyaaraddaha ee Cigaal.

Cali Maxamed Bikolo, maareeyaha hay’adda dhawrista tayada alaabooyinka ayaa sheegay  dawooyinkani ahaayeen kuwo wakhti koobani ka hadhay taariikhda ay dhacayaan, sidaas darteedna ay suuro gali wayday inay dalka ku soo daayaan.

dawooyin dhacay

“Dawadan dhacday ee aanu maanta ku gubayno halkan oo ah si aanay bulshada u dhexgalin oo aanay caafimaadka bulshada wax u yeelin.Dawadani waxay ahayd dawo iyadoo wakhtigay dhacayso wax yari ka hadhsan yihiin oo hadday gudaha dalka gashana aanay suuro gal ahayn inay dawadani ku dhammaato.

Dawadan oo ah ta TB-da loo isticmaalo, waxaanu ku joojinay madaarka oo ay taalay bakhaarka Alaabta lagu cashuuro ee Kastamka, muddadii wakhtigeedu dhacayayna halkaas bay taalay, waxaana noo suuro gashay maanta inaanu soo qaadno oo aanu gubno,” ayuu yidhi Cali Bikolo.

Mudane Bikolo, waxa uu sheegay inay hawshan gacan kala gaysteen maamulka iyo shaqaalaha kastamka Madaarka iyo ilaalada Madaarka oo qayb ka qaatay ogaanshaha dawadaasi la soo galin lahaa dalka.

Cali Bikolo, waxa uu sidoo kale farriin u diray shacabka Somaliland “Waxaan aad iyo aad baaq ugu soo jeedinayaa dhammaan dadka Somaliland iyo dadka kale ee ganacsiga keena Somaliland ama ka sii gudbiya, waa inay Illaahay kaga cabsadaan masuuliyadda ay hayaan, oo ay si xalaal ah u ganacsadaan, oo ay iska daayaan waxyaabaha qishku ku jiro ama been abuurka ah iska ilaaliyaan, iyagaa masuuliyadda ugu horaysaa ka saaran tahay oo og waxay dalka soo galinayaane” ayuu yidhi Bikolo.

 

Wajaalenews desk

COMMENTS
LINKS