Haweenay ka Socota Midawga Yurub oo Kulan Xasaasi ah la Yeelatay Saddexda Xisbi Qaran Iyo Dhambaalka Xukumada Siilaanyo ay ka Gudbisay. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Haweenay ka Socota Midawga Yurub oo Kulan Xasaasi ah la Yeelatay Saddexda Xisbi Qaran Iyo Dhambaalka Xukumada Siilaanyo ay ka Gudbisay.
June 30, 2015 - Written by Editor:

“Sadexda Xisbi qaran way heshiiyen, man jirto heshiis aanu ka noqonay”Kulmiye

“Madaxweynaha ay ku xidhan tahay Fulinta Heshiiskii aanu gaadhnay guurti danbe oo lagu Noqonayaan ma jirto” UCID

“Sadexda Xisbi Masuuliyadoodii way ka soo baxeen laakiin Madaxweynaha ayey hortaala fulinta heshiiskii la gaadhay” Waddani.

Natiijada Xogwareysigiina waxaan u gudbindoona Beesha Caalamka ee Somaliland la shaqeeya

Hargeysa (Wajaalenews) Sadexda xisbi  qaran ee Somaliland Waddani, Ucid iyo Kulmiye ayaa Waxa kulan adag oo muddo dheer socday la qaadatay Sarkaalad sarre oo ka socotay midawga Yurub, kulankaasi oo ka dhacay magaalada Hargeysa ayaa waxa lagaga wadda hadlayey halkii uu ku danbeyey heshiiskii ay wadajirka u gaadhen saddexda xisbi qaran ee salka ku hayey muddo xileedka loo kordhiyey xukumada Siilaanyo oo ay go’aan wadda jir ah isku raacen in muddo ka duwan tii Guurtid loo kordhiyo Madaxweynaha.

 

Xubintan midawga Yurub ka socotay oo ahayd  Gabadh ayaa Sadexda Xisbi  ee ay la kulan tay  waydiisay halkii uu ku danbeyey heshiiskii ay wadda jir u gaadhen iyo ciida hortaagan in uu shaqeeyo, waxa kale oo ay si cad u sheegtay in xogta ay siiyan ay u geynayso Beesha Caalamka ee Somaliland la shaqeeya isla markana go’aan cad  soo saridoonan.

Sadexda Xisbi ayaa mid walba waxa kulankaasi uga qaybgalay Saddex Xubnood,  Xisbi Kulmiye kulankaasi goob joog waxa  u ahaa Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, Jaamac Shabbeel iyo Xassan Gaafadhi, Xisbiga Ucidna waxa uga qaybgalay kulankaasi Jaamal Cali Xussen, Faysal Cali Waraabe iyo Jiir Cali madoobe halka Xisbiga waddani ay uga qaybgaleen kulankaasi  Guddoomiye Ku-xigeenka Axmed Muumin Seed,  Boobe Yuusuf Ducaale, Cabdirashiid Riyoraac.

Masuuliyiintii Xisbiga Kulmiye kulankaasi uga qaybgalay ayaa waxay gabadhaasi midawga yurub ka socotay u sheegen in Saddexda Xisbi heshiiyen isla markana Xisbiga Kulmiye Ayidsan yahay heshiiskii ay galeen oo aanay ka bixin, sidaasi daradeed halkii ay markii hore ka taagnayeen heshiiskii ay waddajirka u gaadheen uun ay ka taagan yihiin oo wax isbedel ahi aanu jirin.

Masuuliyiintii ka socotay Xisbiga UCID oo iyaguna dhankooda ka hadlay xaalada waddanku marayo iyo muddo xileedka xukumada madaxweyne Siilaanyo ee dhammaaday ayaa waxay sheegen in Madaxweynaha looga bahan yahay in uu dhaqan galiyo heshiiskii ay waddajirka u gaadheen saddexda Xisbi qaran ee ay ku kala saxeexden ee soo afjaray khilaafkii guurtidu abuurtay, waxaanay si cad u sheegen in aan loo bahan in dib loogu noqdo guurtida madama iyadu ay tahay tii abuurtay Mushkilada iyo  khilaafka isla markana loo bahan yahay in madaxweynuhu uu dhaqan galiyo heshiiskii ay xisbiyadu gaaadheen.

Waxa kale oo iyaguna Doododa ka dhiibtay arrimahaasi Xisbiga Waddani oo ay u hadleen masuuliyiintii kulankaasi ka qaybgalay waxaanay iyaguna si cad u sheegen in madaxweynaha Somaliland laga sugayo sidii uu u dhaqangalin lahaa heshiiskii ay waddajirka u gaadhen xisbiyada isla markana madaxweynaha ku  xidhan tahay dhaqan galka heshiiska, waxaanay tilmaameen in Saddexda xisbi iyagu guteen shaqadoodii oo ayad in ay heshiiyaan isla markan Madaxweynaha hortaalo, shacabka iyo beesha caalamkuna ay Go’aan cad ka sugayaan.

intaasi markii saddexda xisbi mid waliba uu yidhi ayaa Gabadhi ka socotay Midaw Yurub waxay Xisbiga Kulmiye waydiisay sababta uu Madaxweynuhu uu u dhaqangalin wayey heshiiskii ay gaadheen Xisbiyadu madama oo khilaafkii laga heshiiyey, basle si cad ugamay jawaabin masuuliyiintii kulmiye.

Masuulkan sarre ee ka socotay Midawg Yurub ayaa shalayba dalka ka  dhooftay iyada oo la filayo in warbixinta ay midawga yurub u gubinayo ay wax baddan ka badalidoonto siyaasada wakhtigan ee Somaliland ku jirto.

Dhanka kale  warar hoose oo Wargeyska Waaheen helay ayaa tilmaamay in 10 wasiir oo ka mid ah Golaha wasiirada Xukumada Siilaanyo xallay kulan ku yeeshen guri ka mid ah Guriyaha wasiiradaasi waxaana la sheegay in ay ka shirayeen socdaalka ay ku timid dalka gabadhaasi ka socotay midawga yurub iyo fariinta ay ka gudbinayo Xukumadooda.

COMMENTS
LINKS