Hal Seegay Halyaygii Afrika Ma Ka faa’iidaysan Doonaa Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Hal Seegay Halyaygii Afrika Ma Ka faa’iidaysan Doonaa Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya.
June 13, 2015 - Written by Editor:

HARGAYSA(Wajaalenews) waxa bishii June ee sannadkii 2012 lagu aasay magaalada Addis Ababa Meles Zenawi Ra’iisal Wasaarihii hore ee dalka Itoobiya, isla markaana ahaa hogaamiyihii xilliga horumarka iyo xorriyadda ee Qaaradda Afrika ka dib ku dhawaad 20 sannadood oo uu ka shaqaynayay sidii uu u horumarin lahaa dalka Itoobiya iyo guud ahaanba qaaradda Afrika.

itoobiya

Muddadii uu xilka Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya hayay, wuxuu dalka Itoobiya ka dhigay inuu noqdo wadamada ugu koriinka wanaagsan dhinaca dhaqaalaha, waxaanu dalka Itoobiya noqday wadan ay dadkiisu si wanaagsan ugu socdaan xagga horumarka, waxaanu isku hayay in ka badan 80 milyan oo qof oo dalkaasi ku nool.

muddadaasi waxa uu booqday inta badan caasimadaha ku yaala qaaradda Afrika oo ay xataa ku jirto caasimada SOmalia ee Muqdisho, balse nasiib darro suurto gal umay noqonin inuu booqdo magaalada Hargeysa oo ah xarunta dalka Somaliland.

 

haddiise uu sii noolaan lahaa way dhici lahayd inuu booqdo SOmaliland, balse waqtigu uma saamixin.

laakiin waxa xusid mudan muddadii uu Ra’iisal Wasaaraha ka ahaa dalka Itoobiya waxa uu mar walba barbar taagnaa dalka Jamhuuriyadda SOmaliland, isaga oo soo afjaray colaadii u dhaxayn jirtay Soomaalida iyo Itoobiya ka dib markii ay ururkiisii EPRDF iyo SNM ay ku kala guulaysteen hogaaminta labda dal ee SOmaliland iyo Itoobiya, waxaanay taasi keentay in magaalada Tog-Wajaale oo ahayd meel ay ku xabaalan yihiin in ka badan malaayiin miino ay mar keli ah isku bedeshay meel ay isku dhaafsadaan ganacsatada SOmaliland iyo Itoobiya malaayiin dollar.

 

haddaba marka laga yimaado in aanay suurto gal u noqon halyaygii Afrika inuu mar uun soo booqdo magaalada Hargeysa, waxa ay dad badani su’aalo iska weydiinayaan ma dhici kartaa in Ra’iisal Wasaaraha cusub ee Itoobiya oo isaga laftiisu markii uu awoodda qabsaday maalmo yar ka dib hadal uu u jeediyay baarlamaankiisa ku sheegay inuu barbar taagan yahay Somaliland.

hase yeeshee, waxa la saadaalinayaa in Ra’iisal Wasaaraha dalka Itoobiya Haile maryam diseile uu mar uun soo booqdo Somaliland, isla markaana noqdo hogaamiyihii ugu horeeyay ee dunida ka socda ee soo booqda magaalada Hargeysa.

 

HARGEISA .SOMALILAND

WAJAALENEWS DESK

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

 

 

 

COMMENTS
LINKS