Gudoomiye Ku Xigeenka Xisbiga WADDANI Md.Axmed Mu’min Seed Iyo Wafti Uu Hogaaminayo Oo U Ambabaxay Dalka Jabuuti.‏‎ | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Gudoomiye Ku Xigeenka Xisbiga WADDANI Md.Axmed Mu’min Seed Iyo Wafti Uu Hogaaminayo Oo U Ambabaxay Dalka Jabuuti.‏‎
June 5, 2015 - Written by Editor:

Hargeysa-()-Gudoomiye ku xigeenka Xisbiga WADDANI Mudane Axmed Mu’min Seed iyo Wafti uu hogaaminayo ayaa shalay subax u amba baxay Dalka Jabuuti,waftian Gudoomiye Ku xigeenka ayaa waxaa ku wehilinayay xoghayaha Arrimaha Guddaha Xisbiga Mudan Mustafe Maxamuud Qodax.

Gudoomiyaha ayaa markii uu ka sii baxayay Garoonak Egal ee Magaalada Hargeysa oo ay saxaafadu isku dayday inay wax ka waydiiyaan Safarkooda ayaa ka gaabsaday inuu wax tafaasiil dheeraad ah ka bixiyo ujeedka uu xanbaarsan yahay Safarkoodu waxa uuna ku soo koobay mar wax laga waydiiyay waa mid gaar ah.

Si kastaba ha ahaatee Safarkan ayaa ku soo beegmaya xili aan go’aan kaba dambays ah laga soo saarin khilaafkii ka dhashay mudo kordhintii dooashada ee Golaha guurtidu u samaysay Xukuumada Kulmiye iyo golaha Wakiilada ,waxa kale oo uu ku soo beegmayaa xili mas’uuliyiin sarsare oo xisbiga ahi oo uu ka mid yahay Xildhibaan Buubaa ahna Afhayeenka Xisbigu Safar ay iyagna ugu baxeen Dalka Itoobiya taas oo ay dad badan isku xidhayaan ujeedka labadan Safar ee miisaanka culus ee u kala Baxay Dalalka Itoobiya Iyo Jabuuti Waxa Xiligan Keenay taas oo aanu ognahay In Xukuumada Siilaanyo Xidhiidhkii Dalalkaas ay la lahayd uu marayo halkii ugu hooseysay Abid tan iyo intii Somaliland Madaxbanaanideeda Qaadatay.

 

C/naasir Cumar Dhaadheere

 

Hargeysa-Somaliland

COMMENTS
LINKS