|
|||||
WAJAALE NEWS
Gudoomiyaha Jimciyatul Axbaab Oo Bulshada Ugu Baaqay In La Badbaadiyo Xabaalaha Sheekh Nuur Ee Bariga Hargeysa
June 15, 2015 - Written by Editor:Hargeysa(Wajaalenews)-Gudoomiyaha Jimciyada Waxbarashada Diinta ,Qabanqaabinta Xusaska Diiniga Ah iyo Horumarinta Arimaha Bulshada Jimciyatul Axbaab Sayid Maxamed Sayid C/laahi ayaa guud ahaan bulshada ugu baaqay in laga wada qaybqaato daryeelka iyo dayactirka xabaalaha ku baylahsan guud ahaan deegaanada Somaliland gaar ahaana Xabaalaha ku dayacan Caasimada Hargeysa oo uu qaarkood soo bandhigay . Gudoomiyaha Jimciyatul Axbaab Sayid Maxamed Sayid C/laahi oo War-saxaafadeed kasoo saaray arintan oo uu nuqul kamid ahi nasoo gaadhay ayaaa waxa uu u dhignaa sidan:- Gudoomiyaha Jimciyada Waxbarashada Diinta ,Qabanqaabinta Xusaska Diiniga Ah iyo Horumarinta Arimaha Bulshada Jimciyatul Axbaab waxa ay Bulshada reer Somaliland meelkasta oo ay joogto ugu baaqaysaa in laga wada qayb-qaato daryeelka iyo dayactirka xabaalaha kuwaaso dayacaad weyni ka jirto dhamaan gobolada kala duwan ee dalka oo dhan iyadoo ay ugu sii daran tahay Caasimada Hargeys oo ay ka dhacday arin aad u naxdin badan oo ah in Xabaalo mudo badan dadka lagu aasayey oo eheleenii iyo asxaabteeniiba ay ku aasan yihiin uu maalinba maalinta ka danbaysa daadku ku qaado lafahoodu gudaha Magaalada Hargeysa ,Xabaalahan oo ah Xabaalaha Sheekh Nuur ku yaala dhinaca galbeed ee Shiraaqle Hotel ayaa sida ka muuqata Sawirada ku lifaaqan War-saxaafadeedkan waxa maalin kasta oo uu dooxa daad soo maro uu qaataa in badan oo kamida dadkii ku aasnaa Xabaalaha oo mudo dheer wax lagu aasi jiray Ugu danbayntii waxa aan Bulshada reer Somaliland gaar ahaan Xukuumada iyo Golayaasha Deegaanka Dalka ugu baaqayaa in la badbaadiyo Xabaalaha Dalka Guud ahaan gaar ahaana Xabaalaha Sheekh Nuur oo qarka u saaran in dhamaantood daadku qaado iyadoo aynu hada ku jirno xili roobaadkii oo ay socdaan daadadkii dhibaatada ku hayey.
Alaa Mahad Leh Gudoomiyaha Jimciyatul Axbaab Sayid Maxamed Sayid C/laahi Xaaji Cilmi Hargeysa-Somaliland
Related posts:COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|