Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro Oo Shacabka Somaliland Ugu Hambalyeeyey Xuska Sanad Guurada 55aad Ee 26ka Juun. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro Oo Shacabka Somaliland Ugu Hambalyeeyey Xuska Sanad Guurada 55aad Ee 26ka Juun.
June 26, 2015 - Written by Editor:

HARGAYSA(Wajaalenews) Guddoomiyaha aqalka Golaha Wakiilada Somaliland ahna guddoomiyaha Xisbiga Waddani Md.Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa dhambaal hambalyo ah u diraaya dhammaanba shacabka reer Somaliland, isaga oo ugu hambalyeynaaya xuska sannad guurada 55aad ee ka soo wareegtay maalintii ay Somaliland xornimadeedkii ka qaadatay guumaysigii Ingiriiska ee 26ka Juun.

Md.Cabdiraxmaan Cirro, waxaa uu Illaahay uga baryeyaa in ummadda Somaliland uu sannadka sannadkiisa ku gaadhsiiyo bash bash iyo barwaaqo, isaga oo maalintana ku tilmaamay maalin qaranka Somaliland ku weyn oo ku astaysan wakhtigii ay Somaliland hormuud u noqotay guud ahaan Soomaali inteeda kale oo xornimadeedii ka qaadatay guumaystihii Ingiriiskii sannadkii 1960kii.

Guddoomiye Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), waxaa Illaahay uga baryeyaa in uu dhammaaba ummadda reer Somaliland uu sannadka sannadkiisa ku gaadhsiiyo nabad, horumar iyo ictiraaf ay dunida ka hesho.

 

Hambalyo. Hambalyo. Kulu-Caam Wa-Antum Bil-Khayr.

 

Xoghayaha Warfaafinta Xisbiga Waddani

 

Muj.Boobe Yuusuf Ducaale.

COMMENTS
LINKS