Geed Suurada Bini Adamka Leh Oo Lagu Arkay Kayn Ku Taala India + DAAWO,Sawiro | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Geed Suurada Bini Adamka Leh Oo Lagu Arkay Kayn Ku Taala India + DAAWO,Sawiro
June 30, 2015 - Written by Editor:

Hargeysa (Wajaalenews):-Dalka Hindiya ayaa lagu arkay geed oo leh suuradda bani’aadamka, isla markaana ka baxay keyn ku taala gobol ka tirsan dalkaasi.

geed mucjiso ah

Boqolaal dadweynaha dalkaasi ah ayaa maalin kasta booqanaya geedkaasi mucjisada ah, iyadoo dowladda Hindiya ay si weyn u adkeysay ammaanka geedkaasi oo u eg gabar wadata canug yar, inkasta oo uusan ka muuqan qeybta hoose ee canugaasi.

Khubarada arrimaha degaanka ku taqasustay ee dalka Hindiya oo si weyn ula yaabay geedkaasi ayaa iyagu sheegay in la xanaaneynayo isla markaana la daryeelayo, bacdamaa haatan aanu heysan wax xanaano ah.

Geedkaasi ayaa waxaa kale oo uu uga duwan yahay geedaha caadiga ah isagoo dhecaankiisa uu yahay mid u eg dhiigga bani’aadamka oo kale.

geed mucjiso ah

Sida ka muuqata sawirka geedka mucjisada ah oo laba nin ay ku qalayaan Miinshaar weyn waxaa ka socda dhiig fara badan, waana in qof kasta oo bani’aadam ah uu ku cibro qaato awooda uu leeyahay Alle SWT kor ahaayen.

 

COMMENTS
LINKS