|
|||||
WAJAALE NEWS
Eden Hazard Oo Ka Qiimo Sareeya Cristiano Ronaldo Iyo 50ka Ciyaaryahan Ee Ugu qiimaha badan aduunka
June 9, 2015 - Written by Editor:london,(wajaalenews)-Xiddiga kooxda Chelsea Eden Hazard ayaa lagu iibsan karaa lacag ka badan inta lagu iibsan karo xiddiga sannadka adduunka Cristiano Ronaldo xagaagan, sida lagu sheegay warbixintii ugu danbeysay xarunta daraasada ciyaaraha iyo kubada cagta ee CIES. Daraasad lagu sameeyay ciyaartoyda ka ciyaarta shanta horyaal ee ugu sareeya Yurub ee kala ah Premier League, La Liga, Bundesliga, Serie A iyo Ligue 1, xiddiga reer Belgium ayaa lagu qiimeeyay lacag u dhaxeysa 99 ilaa iyo 110 milyan ginni. Xiddiga sannadka Ingariiska ayaa kaalinta labaad ku jira waxaana ka sareeya kaliya Lionel Messi oo lagu qiimeeyay lacag u dhaxeysa 188 ilaa 207 milyan ginni, halka xiddiga Real Madrid Cristiano Ronaldo uu dhameystirayo seddexda xiddig ee ugu sareysa.
Kooxdaan daraasada sameysay ayaa ka eegay ciyaaryahan walba dhinac kasta oo ay ku jirto da’da uu ciyaaryaahan jiro, inta ay la egtahay qandaraaskiisa, heerka qaab ciyaareedkiisa iyadoo sidoo kale xisaabta lagu darsanayo natiijada kooxaha iyo weliba koobab ay ku guuleystaan, taasoo laga soo saaray qiyaasta qiimaha ciyaaryahan walba ee suuqa kala iibsiga. Taasi waxa ay sharaxaad u tahay sababta uu Ronaldo uga qiimo yar yahay Hazard, xiddiga reer Belgium waxa uu lix sanno ka yar yahay Ronaldo, waxa uu Chelsea qandaraas kula jiraa ilaa iyo 2020, waana labo sanno in ka badan inta uu xiddiga reer Dhanka kale, xiddiga Tottenham Harry Kane oo xilli ciyaareed fiican ku ciyaaray islamarkaana kooxda waqooyiga London u dhaliyay 31 gool ayaa ka qiimo sareeyay xiddigii hore ee Tottenham Gareth Bale.
Xiddiga reer Wales ayaa lacag rikoodhka adduunka ah oo gaadheysa 85 milyan ginni waxa uu ugu dhaqaaqay xagaagii 2013, laakiin sida ay daraasadaan sheegeyso qiimihiisa waxa uu hoos u dhacay kala badh. Bale ayaa xilli ciyaareedkii dhamaaday uu u ahaa xilli ciyaareed xun, waxaana qiimihiisa lagu qiyaasay 42 milyan ginni, halka Kane lagu qiimeeyay 44 milyan ginni. Neymar oo 39 gool u dhaliyay Barcelona xilli ciyaareedkaan ayaa ah xiddiga afaraad ee ugu qiimaha badan ciyaartoyda adduunka ee liiskaan. Portugal heshiis kula jiro Real Madrid. Xiddiga doonaya inuu ka tago Liverpool Raheem Sterling ayaa ah xiddiga ugu qiimaha badan ciyaartoyda England ee liiskaas isagoo ku jira kaalinta lixaad inkastoo kaliya ay labo sanno kaga hadhsan tahay qandaraaskiisa waxaana lagu qiimeeyay 60 milyan ginni. Xiddigii hore ee QPR oo kaliya 20 sanno jir ah ayaa ah xiddiga ugu da’da yar 50ka ciyaaryahan ee ugu qiimaha badan dunida, xaqiqdiina England afar ciyaaryahan da’ yar ayay liiskaan ku leedahay – Sterling, Ross Barkley, Kane iyo Oxlade-Chamberlain. Xiddiga sida aadka loo doonayo ee Juventus ee khadka dhexe Paul Pogba oo ay doonayaan Manchester United, Man City iyo Barcelona ayaa ku jira kaalinta 7aad. Xiddiga Champions League ku guuleystay Luis Suarez ee heshiis 70 milyan ginii ugu biiray Barcelona sannad ka hor ayaa daraasadaana ay ku qiimeysay kaliya 49 milyan ginni. CIYAARTOYDA UGU QIIMAHA BADAN YURUB Ciyaaryahan Qandaraas Da’da Qiimaha (£m) Lionel Messi (Barcelona) 2018 27 188-207 Eden Hazard (Chelsea) 2020 24 99-110 Cristiano Ronaldo (Real Madrid) 2018 30 83-92 Neymar (Barcelona) 2018 23 66-73 Sergio Aguero (Manchester City) 2019 27 57-63 Raheem Sterling (Liverpool) 2017 20 54-60 Paul Pogba (Juventus) 2019 22 52-57 Diego Costa (Chelsea) 2019 26 52-57 Alexis Sanchez (Arsenal) 2018 26 50-55 James Rodríguez (Real Madrid) 2020 23 46-51 Luis Suarez (Barcelona) 2019 28 44-49 Antoine Griezmann (Atletico Madrid) 2020 24 44-48 Cesc Fàbregas (Chelsea) 2019 28 43-48 Isco (Real Madrid) 2018 23 42-46 Harry Kane (Tottenham) 2020 21 40-44 Gareth Bale (Real Madrid) 2019 25 38-42 Philippe Coutinho (Liverpool) 2020 22 37-41 Thibaut Courtois (Chelsea) 2019 23 37-41 Oscar (Chelsea) 2019 23 35-39 Karim Benzema (Real Madrid) 2019 27 33-37 Mario Gotze (Bayern Munich) 2017 23 32-35 Koke (Atletico Madrid) 2019 23 30-33 Christian Eriksen (Tottenham) 2018 23 30-33 Romelu Lukaku (Everton) 2019 22 29-33 Toni Kroos (Real Madrid) 2020 25 29-32 Willian Borges (Chelsea) 2018 26 29-31 Alvaro Morata (Juventus) 2019 22 28-31 Sergio Busquets (Barcelona) 2019 26 28-31 David Silva (Manchester City) 2019 29 28-31 Edinson Cavani (PSG) 2018 28 28-31 Angel Di María (Manchester United) 2019 27 27-30 Kevin de Bruyne (Wolfsburg) 2019 23 27-30 Wayne Rooney (Manchester United) 2019 29 27-29 Marco Verratti (PSG) 2019 22 26-29 Nemanja Mati? (Chelsea) 2019 26 26-29 Robert Lewandowski (Bayern Munich) 2019 26 26-29 Alexandre Lacazette (Lyon) 2018 24 26-29 Thomas Muller (Bayern Munich) 2019 25 26-29 Manuel Neuer (Bayern Munich) 2019 29 25-28 Mesut Ozil (Arsenal) 2018 26 25-28 Gonzalo Higuaín (Napoli) 2018 27 25-28 Ross Barkley (Everton) 2018 21 25-27 Yaya Toure (Manchester City) 2017 32 25-27 Alex Oxlade-Chamberlain (Arsenal) 2018 21 25-27 Jerome Boateng (Bayern München) 2018 26 24-26 Santi Cazorla (Arsenal) 2017 30 24-26 Danny Welbeck (Arsenal) 2019 24 24-26 Jordan Henderson (Liverpool) 2020 24 24-26 Aaron Ramsey (Arsenal) 2019 24 23-26 Miralem Pjanic (Roma) 2018 25 23-26
Diyaariye/ hamze jirde axmed
Related posts:Wasaarada Waxbarashada Jsl Oo Markale Shaacisay In La Joojiyay Furista Dugsiyo Iyo Jaamacado Cusub D... East African Business Week Oo Warbixin Ka Qoray Shir Somaliland Ku Qabanayso Nairobi Iyo Is Kaashiga... Culimada Dalka Oo Maanta Khudbadoodii Salaada jimcaha Badi ku Soo Qaatay Qabyaalada Oo Bulshada Fara... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|