|
|||||
WAJAALE NEWS
Diyaaradda flyDubai Oo Soo Cagadhigatay Madaarka Cigaal, Iyo Ku Simaha Madaxweynaha Somaliland Oo Soo Dhaweeyey
June 9, 2015 - Written by Editor:Hargeysa (Wajaalenews)-Shirikada Caalamiga ah ee Diyaaradaha ee flyDubai ayaa maanta Duulimaadkoodii u horreeyey ee ay Diyaaradoodu soo cagodhigatay Garoonka Caalamiga ah ee Cigaal International Airport. Bilowga duulimaadyada shirkada Fly Dubai ayaa loo qabtay Munaasibad balaadhan oo si heer sare ah loo soo agaasimay oo ay goobjoob ka ahaayeen Maareeyaha Guud ee Shirkada Fly Dubai, Ghaith Al Ghaith iyo masuuliyiin sar sare oo shirkadaasi ka tirsan. Munaasibadaasi oo lagu qabtay Gudaha Madaarka ayaa sidoo kalena waxa ka qayb galay Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland ahna ku simaha Madaxweynaha Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), Xubno Wasiiro ah, Ganacsto, Aqoonyahan, Culimo aw diin, Xildhibaano iyo Marti sharf kale. Wasiirka Duulista Hawadda Iyo Gaadiidka Cirka Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi oo munaasibadaasi ka hadlay ayaa waxa uu yidhi:- “Runtii maanta farxad weyn ayey ii tahay in aanu halkan ku soo dhaweyno Shirkada Diyaaradaha ee Caalamiga ah ee Fly Dubai, oo maanta duulimaadkeedii ugu horraysay ku soo cago dhigatay dhabaha Diyaaradaha Caalamiga ee Cigaal International Airport ee Somaliland, waxay runtii taasi muujinaysaa kana markhaati kacaysaa In garoonkan oo horena ay uga shaqayn jireen Diyaarado wakhti dheer nagala soo shaqeeyay, oo waliba iminka casriyeeyay diyaaradahoodii, waxaan jecelahay in aan halkan uga mahad naqo Diyaaradihii dadka muwaadiniinta ahi lahaayeen ee Somaliland Daallo, Juba Iyo Africa intaba, dhinac kalena waxan jeclahay in aan halkan uga mahad naqo Diyaarada Ethiopian Airlines oo ah Diyaarad Caalami ah oo Dal aynu walaalo nahay Daris nahay uu leeyahay,” Wasiir Xaashi ayaa sidoo kalena intaas ku daray “kuwaas oo hore uga shaqaynayey uu maantana ku soo kordhay Diyaarad Caalami ah oo qaaradda Afrika ka talowsani oo caan ah oo darajadeeda la yaqaano, waxay muujinaysaa runtii sida uu magaca iyo meeqaamka Somaliland kor ugu kacay, waxa ay muujinaysaa sida uu Garoonkeenani Caalami u yahay, iskamay iman Fly Dubai, Dunida marka Diyaarado Garoomo Tagayaan waxaa la mariyaa imtixaan dheer, waxa la mariyaa baadhid iyo daraasado badan, qorshe dheer ayaa loo soo maray, ugu dambayntiina waanu ku guulaysanay ALLE mahadii.” Ayuu yidhi Wasiirka Duulista Somaliland. Waxa sidoo kalena munaasibadaasi ka hadashay Dr. Aadan Aadan Ismaaciil Wasiirkii hore ee Arrimaha dibada Somaliland waxaanay tidhi “ Magaca madaarkan aad baan ugu hanweynahay Maxamed Ibrahim Cigaal, Odaygaygii hore, aad buu inoogu farxi lahaa haddii uu inala joogi lahaa, arkina lahaa inuu Madaarkani uu magaciisa sito, madaarkani wuxuu sitaa magaca Madaxweynihii u horreeyey ee Qaran soomaaliyeed oo madax banaan, waxaanu Fly Dubai u soo bandhigayaa Fursado qaaliya, iyo iskaashi. Anigoo ah Xaaskii hore ee Madaweyne Cigaal aadbaan ugu farsanahay ugu hanweynahay fursada uu ILLAAHAY maanta ii siiyey inaan halkan idinla joogo.” Ayey tidhi Marwo Adna. Maareeyaha Guud ee Shirkada Caalamiga ah ee Fly Dubai Ghaith Al Ghaith oo munaasibadaasi ka hadlay ayaa waxa uu yidhi “Sharaf weyn ayey ii tahay inaan maanta halkan idinla joogo, aniguna in badan ayaan shaqadan ku soo jiray, waa sanadkii 29-aad ee aan ku hawlanaa, shirkadan iyo Emirates-ba, waxaan bilaabay anigoo shan jira ah, laakiin intii aanu duulimaadyo cusub furaynay maan arag soo dhawayn iyo qaabilaad sidan oo kale ah, aad baad ugu mahadsan tihiin taas, sidoo kalena aad baan ugu farxaa markaan arko horumarka aad waddankiina ka samayseen anigoo og taariikhda aad soo marteen iyo sidoo kalena sida uu dalkeena (Somaliland) ee aynu jecelanahay u soo dhibaatoobay, waa farxad inaan arko Somaliland oo nabad ah isla markaana horumartay taasi aad bay ii soo jiidatay.” Maareeye Ghaith Al Ghaith, ayaa sidoo kalena intaa ku daray “ in aanu si dhaw u wada shaqayno Wasiirka Duulista oo ay hawl wadeenadayda ka wada shaqeeyeen sidii loo diyaarin lahaa duulimaadyadan, anigu lama yaabani, waanad ku mahadsan tahay Wasiir.” Ayuu yidhi waxaanu intaas ku daray “ waxaanu rajnayaa in duulimaadka toos ah ee Dubai Hargeysa uu sare u qaadi doono dhaqaalaha dalkan kobcaya.” Sidoo kale Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland ahna ku Simaha Madaxweynaha Md, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa isna hadal kooban ka jeediyey xafladaas waxaanu yidhi “Runtii maanta dhamaanteen waxa farxad weyn inoo ah in aynu halkan u joogno daah furkii ama bilowgii duulimaadyada Diyaarada la yidhaa Fly Duybai, oo Diyaarad Caalami ah inay maanta Dalkeenii Garoonkii Caasimadeenii Jamuhuuriyadda Somaliland Cigaal international Airport in ay ka soo degtay oo ay bilow wanaagsan u tahay in ay halkan ka bilowdo duulimaadyo, wax badan ka tari doona runtii isku xidhnaanshaheena ama soo celinta xidhiidhkeenii qadiimiga ahaa ee ka dhaxeeyay Somaliland iyo Emirates,” Ku simaha Madaxweynaha ayaa sidoo kalena intaasi ku daray “Runtii waxay soo jiidaysaa ama ay noo abuuraysaa fursado badan ama in ay dad badan oo ganacsato ah ama dad badan oo dalxiisayaal ah in ay Dalka yimaadaan, adeegyada wanaagsani waxa ay soo jiidaan Dadka maalgashanaya Dalka, Dadka dalxiisaya, waxaa markaa laynooga baahanyahay haddii aynu Dadka Reer Somaliland nahay in aynu cid kasta oo Dalkan imanaysa aynu gacmo furan ku soo dhaweeyno, adeegyadii kuwaa la midka ahaa ee gudaha haddii ay huteeladii tahay, kor loo qaado adeegyadooda oo ay ku soo dhiiradaan Dadka dalxiisayaasha ah iyo maalqabeenadu, meeshay iman lahaayeen ee ay ku nasan lahaayeen in aynu inaguna xageena u diyaar garwno.” Ayuu yidhi Md. Saylici. Related posts:COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|