Dawladda Pakistan Oo Dalkeeda Ka Mamnuucday Hay’adda Save The Children iyo Tuhunnada Ku Xeeran Hay’adda | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Dawladda Pakistan Oo Dalkeeda Ka Mamnuucday Hay’adda Save The Children iyo Tuhunnada Ku Xeeran Hay’adda
June 12, 2015 - Written by Editor:

Islamabad(Wajaalenews) Dawladda Pakistan, ayaa albaabada u laabtay Xaruntii waddankaasi ee Kooxda gargaarka caalamga ah ee Save the Children. Xukumaddu waxay sheegtay in hay’addan samafalku wadanka ka waday hawlo ka dhan ah danaha qaranka.

HAA

Saraakiil dawladda ah oo ay weheliyaan Ciidanka booliska ayaa Khamiistii tagay Xarunta Save the Children ee badhtamaha Islamabad, halkaasi oo ay qufuleen Irridda xarunta “Waxaanu xidhnay xafiiskii Save the Children, anagoo fulinayna amar dawladeed” ayuu yidhi Kamran Cheema,oo ah sarkaal sare oo dawladda ka tirsan, waxaanu u waramay wakaalada AFP.

Sarkaalka ayaa ka gaabsaday sababta xarunta hay’adda loo xidhay “Ma ogin sababtaka dambeysay amarkan xidhitaanka xafiiska Save the Children.wasiirka arrimaha guduhu wuxuu noo soo diray saddex ogaysiis, isagoo leh xafiiska waa la xidhayaa, dhamaan shaqaalaha ajanabiga ahna 15 cisho gudahood ayaa dalalkay ka yimaadeen loogu dirayaa” ayuu yidhi Sarkaalku.

Dawladda Pakistan wali war rasmi ah kamay soo saarin eedaha loo haysto hay’addan balse Sarkaal aan magaciisa la sheegin oo wasaaradda daakhiliga u hadlay ayaa AFP u sheegay in hay’addu ku hawlanayd waxqabadyo ka dhan dalka Pakistan “Muddo dheer baa lala socday hawlahooda.waxay ku hawlanaayeen arrimo ka dhan ah danta Pakistan” ayuu yidhi Sarkaalkaasi.

A spokesperson for Save the Children confirmed that its office in Islamabad had been sealed off without warning [AFP]

Afhayeen u hadlay Save the Children

Afhayeenka  Hay’addan ka shaqaysa daryeelka caruurta (Save the Children International), ayaa bayaan ku sheegay in arrintani ku timid bilaa ogaysiis “Ma jiro wax ogaysiis ah oo Save the children laga siiyay arrintan, waxaanu uga soo hor jeednaa si adag talaabadan oo nagu dhalisay walaac weyn oo heerka ugu sareeya ah. Save the children waxay Pakistan ka shaqaynaysay inka badan 35 sannadood, waxaana ka hawl gala 1,200 shaqaale reer Pakistan ah oo dalka oo dhan ka shaqeeya” ayuu yidhi Afhayeenka Hay’addu.

Afhayeenku waxa uu sheegay in hay’adda oo si dhaw ula shaqaynaysay wasiirada xukumadda Pakistan ay ku hawlanayd adeega dadweynaha iyo sidii kor loogu qaadi lahaa adeegga caafimaadka, nafaqaynta, waxbarashada iyo daryeelka caruurta.

Wariyaha Telefishanka Al-jazeera uga soo warama Pakistan Kamal Hyder, ayaa sheegay in shakiga dawladdu ka qabto Save the Children bilaamay markii Maraykanku ku guulaystay hawlgalkii Cusama Bin Ladan lagu dilay.

Warbixin waaxda sirdoonka Pakistan soo saartay sanadkii 2012-ka ayaa lagu sheegay in CIA-da markaykanku adeegsatay Dhakhtar Pakistani ah iyo hay’addaha gargaarka si loo fuliyo talaal been abuur ah oo looga dan lahaa arrimo basaasnimo.

 

Dawladda Pakistan ayaa shaki badan ka qabta in quwado shisheeye adeegsadaan hay’addaha gargaarka, iyadoo xukumaddu xamayn dheeraad ah saaraysa hay’addaha oo looga shakisan yahay arrimo basaasnimo

 

COMMENTS
LINKS