DAAWO;Tijaabo Lagu Sameeyay Qiiqa Ka Baxa Sigaarku Marka Uu Shidan Yahay Iyo Waxa Uu Asal Ahaan Ka Samaysan Yahay. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
DAAWO;Tijaabo Lagu Sameeyay Qiiqa Ka Baxa Sigaarku Marka Uu Shidan Yahay Iyo Waxa Uu Asal Ahaan Ka Samaysan Yahay.
June 1, 2015 - Written by Editor:

Sigaarka Ma Daamur baa Ku Jira Ogow Runta

Maalinta joojinta cabbista Sigaarka ayaa waxa adduunka oo dhan laga xusaa 31-ka bisha May, waxaana taasi looga jeedaa in 24-ka saacadood ee maalintaasi ka kooban tahay dadka Sigaarka cabba laga waaniyo inay ka dheeraadaan isticmaalka nooc kasta oo Tubaakada ah.

Waxa maalintan loogu talo-galay in lagu soo jeediyo dareenka dadweynaha caalamka jiritaanka baahsan ee iyo isticmaalka xun ee Sigaarka, saameynta uu caafimaadka ku leeyahay oo hadda horseedda dhimasho ka dhacda adduunka oo dhan sanad kasta. Dawladaha Xubnaha ka ah Ururka Caafimaadka Adduunka (WHO) 1987-kii maalinta joojinta sigaarka u asteeyay in sanad kasta la qabto 31-ka bisha May. Waxayna wakhtigaasi iska caabbin kala kulmeen dawladaha sigaarka soo saara, dadka beera Tubaakada iyo warshadaha farsameeya, kuwaasi oo dhammaantood u arkayey in dhaqaalahooda duulaan lagu yahay. Hasa-yeeshee wakhtigan ayaa caalamku dareemayaa khatarta caafimaad ee Sigaarku u leeyahay aadamaha, gaar ahaan dadka cabba ama kuwo la nool. Sidaa daraadeed, Maadaama oo maanta dunida laga xusayo Maalinta joojinta Sigaarka waxaanu halkan si kooban ugu muujineynaa halistiisa iyo khatarta ay caafimaadka u leeyihiin isku dhisyada ku jira Sigaarka.

Marka koowaad xabbad kasta oo sigaar ah waxa ku jirta 18mg oo ah aaladda loo yaqaanno taarka ee suntan ah. Baakidh kasta oo waxa ku jira 20 xabbo oo Sigaar ah, halka 10-ka baakidhna ay ku jiraan 200 oo sigaar ah, halka 20 baakidhna ay ku jiraan 400 oo xabbo oo sigaar ah. Haddaba bal nala daawo Tijaabo lagu sameeyay Qiiqa ka baxa Sigaarku marka uu shidan yahay iyo waxa uu asal ahaan ka samaysan yahay.

 

COMMENTS
LINKS