Daawo:Madaxweynihii Kubadda Cagta (FIFA) Sepp Blatter oo Xilkii Iska Casilay,Yaase bedeli doona? | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Daawo:Madaxweynihii Kubadda Cagta (FIFA) Sepp Blatter oo Xilkii Iska Casilay,Yaase bedeli doona?
June 3, 2015 - Written by Editor:

Zurich-(Wajaalenews)- Madaxweynihii kubadda Cagta Sepp Blatter oo in badan lagu eedeey inuu laaluush ku maamulo Ururka FIFA ayaa wuxuu caawa ku dhawaaqay in uu iska casilay xilkaasi

Shir jaraa’id oo goor dhow uu ku qabtay Magaalada Zurich, ayaa wuxuu ku sheegay inuu xilkaasi iska casilaayo, iyadoo Jimcihii la soo dhaafay markale loo doortay inuu noqdo Madaxweynaha Ururka FIFA.

Madaxweyne Blatter ayaa tilmaamay in la qaban doono shirweyne, kaasoo sida uu sheegay lagu soo dooran doono bedelkiisa. Shirkaasi waxaa la saadaalinayaa in la qaba doono sanadka ina soo aadan.

Blatter, ayaan faah faahin badan ka bixin waxa uu salka ku haayo is casilaadiisa, balse waxaa la ogyahay in Khamiistii xubno ka tirsan Madaxda FIFA lagu qab qabtay, hotel ay ka deganaayen Magaalada Zurich ee Dalka Switserland.

Halkan ka daawo warkaas oo faahfaahsan:-

COMMENTS
LINKS