DAAWO;Madaxweyne Siilaanyo Oo Dalka Ku Soo Laabtay kana Warbixiyay Waxa Uga Qabsoomay Socdaalka Dubai | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
DAAWO;Madaxweyne Siilaanyo Oo Dalka Ku Soo Laabtay kana Warbixiyay Waxa Uga Qabsoomay Socdaalka Dubai
June 14, 2015 - Written by Editor:

Hargeysa(Wajaalenews) Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo iyo weftigii uu hogaaminayay ayaa dalka ku soo laabtay kadib safar 8 maalmood qaatay oo ay ku joogeen dalka Imaaraadka Carabta

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

Madaxweynaha iyo weftigiisa waxaa madaarka Cigaal ku soo dhaweeyay  Madaxweyne ku xigeenka Somaliland mudane Saylici, taliyeyaasha ciidamada kala duwan ee qaranka Somaliland, Wasiiro, Xildhibaanada labada Golle, Sulaadiin, Cuqaal iyo shacbi badan oo kale.

Madaxweynaha oo qolka nasashada kula hadlay saxaafadda ayaa yidhi “Dalka waxaanu ka maqnayn muddo 8 cisho ah, waxaanu tagnay Imaaraadka carabta, halkaas oo aanu kula kulanay danaha labada dal iyo wixii wax wada qabsi ah. Waxaa jirtay mashaariic badan oo ay balan qaadeen, kuwaas oo aan rajaynayo in dadkii ku shaqo lahaa ama xilalkeeda hayay halkan iman doonaan oo ka shaqayn doonaan sidii hawlahaas loo kicin lahaa” ayuu yidhi Madaxweyne Siilaanyo oo hadalkiisa koobay sheegayna inuu faahfaahinta safarkiisa u daynayo wasiirka khaarajiga.

 

Wasiirka Arrimaha dibada Somaliland, Maxamed Biixi Yoonis, ayaa sheegay inay Madaxda Imaaraadka kala hadleen arrimo dhinaca dhaqaalaha ah, islamarkaana kulamo la yeesheen masuuliyiin dawladda ka tirsan iyo madaxda shirkadda lagu wareejinayo dekedda Berbera.

“Waxaanu kala soo hadalnay mashaariic ay hore u balan qaadeen iyo kuwo cusub,kuwaas oo aanu u aragno inay yihiin mashaariic wadanka horumarinaysa, kuwaas oo ku lug leh biyaha,Laydhka, iskuulo, cisbitaalo, jidad, amaanka iyo qaxoontiga faraha badan ee Yemen ka yimid sidii wax loo tari lahaa” ayuu yidhi Wasiirku.

Wasiirka arrimaha dibada ayaa sidoo kale sheegay in madaxda Imaaraadku si heer sare ah u qaabileen islamarkaana balan qaadeen inay hirgalinayaan cilaaqaad wax wada qabsi oo dhexmara Somaliland. Waxa uu sheegay inay fulinayaan mashaariicda adeeggyadada aasaasiga ah ku saabsan ee ay balan qaadeen.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in is arkeen madaxda Shirkadda DP World  oo si aada u danaynaysa horumarinta dekedda Berbera, waxaanu sheegay inay khubaro u direen kala xulista dhawr shirkaddood oo ku hawlan sidii loogu wareejin lahaa dekedda Berbera.

 

COMMENTS
LINKS