DAAWO; Madaxweynaha oo ka qaybgalay sanad guurada 2aad ee Idaacada Quraanka Kariimka ah | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
DAAWO; Madaxweynaha oo ka qaybgalay sanad guurada 2aad ee Idaacada Quraanka Kariimka ah
June 16, 2015 - Written by Editor:

HARGAYSA(Wajaalenews) Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu maanta ka qaybgalay xaflada Furitaanka Sanad guurada 2aad ee ka soo wareegtay aas-aaskii Ilaacada Quraanka Kariimka ah.

https://youtu.be/KW5thPoTCaI

Sidoo kale waxa xafladaasi ku lifaaqnaa oo isna la soo gabagabeeyey tafsiirka qur’aanka kariimka ah oo maanta la soo xidhay dhamaadkiisi.

Xafladan oo lagu qabtay Xarunta Wasaaradda Warfaafinta dhaqanka iyo Wacyigelinta ayaa ahayd mid si weyn loo soo agaasimay oo ay ka soo qaybgaleen Culimada dalka intooda badan wasiiro, Xildhibaano, Cuqaal, iyo qaybo ka mida bulshada qaybeheeda kala duwan.

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

 

waxa xaflada ka hadlay weriye Sheekh Maxamed Shabeel oo ah madaxa ilaacada quraanka kariimka ah, isaga oo ugu horayn u mahadnaqay cid kasta oo gacan ka geysatay furitaanka ilaacada quraanka kariinka ah oo uu ugu horeeyo madaxweynaha jamhuuriyada Somalialnd, sidoo kalena waxa uu u mahadnaqay Madaxda Wasaarada wafaafinta oo uu ugu horeeyo wasiirka Warfaafinta Cabdilaahi Cukuse iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda ilkacase, isaga oo xusayna Shaqaalaha qiimaha badan ee ka shaqeeya ilaacadan Quraanka kariimka ah.

waxa isna halkaa ka hadlay Sheekh Maxamed Aadan oo ku hadlay afka culimada, isaga oo sheegay in horumarka ugu weyn ee ka culimo ahaan ay qirayaan markhaatina ka yihiin uu yahay ilaacada quranka kariimka ah ee madaxweynuhu dalka oo dhan ka hirgeliyey aakhirana uu ku faanidoono, odhan-doonana dadkayga oo dhan ayaan gaadhsiiyey quraanka kariimka ah, iyada oo ay jiraan waxqabad badan oo aan la dafiri Karin balse anaga ka culimo ahaan tanaa nagu weyn. ka dib hadalka waxa la wareegay madaxda wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta oo uu ugu horeeyey Agaasimaha guud ee warfaafinta Mudane Maxamed Cilmi Ilkacase oo u mahadnay masuuloyiinta iyo shaqaalaha wasaaradda ee wakhtigooda geliyey in dalku helo waxtayo leh oo ummaddu ku qanacdo oo ay ugu weyn tahay ilaacadan quraanka ah ee ay ka baxaan axaadiista iyo quraankuba.

wasiirka diinta iyo awqaafta oo isna madasha ka hadlay ayaa tilmaamay faaiidada quraanka kariimka ah u leeyahay dalka.

wasiirka warfaafinta cabdilaahi cukuse oo halkaa isna ka hadlay ayaa ku dheeraaday qiimaha ilaacada quraanka kariimka ahi leedahay isaga oo xusay ugu yaraan 20 sheekh oo ka shaqeeya Radio Hargeysa Tv ga Qaranka iyo ilaacada quraanka kariimka ah ummaddana u gudbiya wanaaga ay leedahay diinteena suubani,

isaga oo sheegay in madax iyo mijaba ay heegan ugu jiraan habeen iyo maalin in dalku helo xog dheeriya oo la xidhiidha qaybaha ay wasaaraddu u qaabilsan tahay dalka iyo dadkaba, waxaanu sheegay  inay xoojin doonaan bisha ramadaan ee inagu soo fooolka leh barmaamijyada diinta ee ka bixidoona ilaacada.

 

 

 

waxa kale oo halkaasi shahaado sharaf lagu gudoonsiiyey madaxwweynaha Jamhuuriyada Somaliland mudane Axmed Maxamed Silaanyo oo ku mutaystay in uu dalka ka hirgeliyo ilaacad muhiima oo quraan ah, waxaanu wasiirka warfaafintu sheegay in madaxweynuhu noqday Madaxweynihii u horeeyey ee intii dawlad afka soomaaliga ku hadasha ay jirtayba uu kow ka noqday madaxweyne silaanyo sida aynu wada ogsoonahayna waa dalkii koowad ee laga hirgeliyo ilaacad quraan ah waana ta aanu maanta madaxweynaha ku xusayno inuu noqdo madaxweynihii u horeeyey soomaali oodhan dalkiisa ka fura ilaacad la mida ta quraanka kariimka ah.

Waxaana hadalka uu ku soo dhaweeyey Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo oo u mahadnaqay masuuliyiinta warfaafinta ee ka midho dhaliyey sanad guuradii labaad oo xidhiidha in dalku yeesho ilaacad quraan kariim ah oo toos loogala socdo guud ahaan dalka, waxaanu shahaado sharaf gudoonsiiyey wasiirka warfaafinta dhaqanka iyo wacyigelinta   Cabdilaahi Maxamed Daahir Cukuse.

 

COMMENTS
LINKS