|
|||||
WAJAALE NEWS
DAAWO; Madaxweynaha JSL oo Maanta Dalka ka dhoofay una kicitimay Ethiopia Kana Hadlay Arimo Badan Oo Xasaasiya
June 21, 2015 - Written by Editor:Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo oo hogaaminaaya Xubno ka mida Golihiisa wasiirada ayaa safar shaqo ugu kicitimay Dalka Ethiopia ee aynu jaarka nahay, halkaasi oo ay martiqaad rasmi ah ka heleen Raisal wasaarada Ethiopia Hailemariam Desalegn. https://youtu.be/AGVnKYgQ3rU Weftiga Madaxweynaha ayaa intii aanay ka dhoofin garoonka diyaarahada ee Cigaal International Airport waxa uu madaxweynuhu saxaafada xog ka siiyey ujeedada socdaalkiisa, isaga oo sheegay madaxweynuhu in uu martiqaad rasmi ah ka helay raisal wasaare Desalegn kana wada hadli doonaan arrimaha labada dal ka dhexeeya ee la xidhiidha Amniga mandaqada geeska afrika, iyo sii xoojinta xidhiidhka labada dal. Waxaana halkaasi madaxweynaha ku sii sagootiyey Masuuliyiin kala duwan oo uu ka mid yahay gudoomiyaha Xisbi xaakimka Kulmiye Muj. Muuse Biixi Cabdi, iyo Gudoomiye ku xigeenkiisa koowaad Muj. Maxamed Kaahim, sulaadiin, cuqaal, xildhibaano iyo bulshada qaybeheeda kala duwan.
Xubnaha madaxweynaha ku wehelinaaya safarka
Ka dibna madaxweynuhu waxa uu salaan sharaf ka qaatay Cutubyo ka tirsan ciidanka qaranka Somaliland, isaga oo uu wehelinaayo Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, hareera joogaana taliyeyaasha ciidamada qaranka. Related posts:Af-hayeenkii Hore Ee Madaxtoyada Somaliland Oo Ka Hadlay Heshiiskii Dawlada Jabuuti Kala Laabatay Dp... DAAWO: Guurtida oo Sheegay Kulan Ay Madaxweynaha la yeesheen Inay Ka Diideen Ka Noqoshada Go'aankii... Munaasibad Loogu Dabbaal-degayo 59-guurada kasoo Wareegtay Markii ay Somaliland xorriyaddeeda Ka Qa... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|