DAAWO; Dowladda Koonfur Afrika Oo Lagu Amray Inay Soo Xidhaan Madaxweynaha Dalka Suudaan | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
DAAWO; Dowladda Koonfur Afrika Oo Lagu Amray Inay Soo Xidhaan Madaxweynaha Dalka Suudaan
June 14, 2015 - Written by Editor:

HARGAYSA(Wajaalenews) Dowladda Koonfur Afrika ayaa waxaa cadaadis lagu saarayaa in ay xidho madaxweynaha Suudaan, Cumar Xasan Al-Bashiir, kaasi oo la sheegay in uu u safray magaalada Johannesburg ka hor shirweynaha 25aad ee Midowga Afrika.

Madaxweyne Bashiir ayaa waxa uu wajahayaa eedo dambiya dagaal oo ay ku soo oogtay Maxkamadda Caalamiga ee Dambiyada ee The Hague.

Madaxweyne Bashir ayaa ka mid ah dadka la tuhunsan yahay ee ay baadigoobayso maxkamadda ICC ,Waxaa lagu eedeeyey inuu galay dambiyo dagaal, dambiyo ka dhan ah bani aadminimada, iyo xasuuq ka dhan ah dadkiisa gobolka Darfur,  Laba ruqsadood oo lagu soo qabanayo ayey maxkamaddu soo saaratay, laakin ICC, ma laha ciidan boolis oo u gaar ah.

COMMENTS
LINKS