Citiraafka Somaliland Waa Xal, Waana Xaqiijinta Xasiloonida Geeska Afrika! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Citiraafka Somaliland Waa Xal, Waana Xaqiijinta Xasiloonida Geeska Afrika!
June 12, 2015 - Written by Editor:

Iyadoo ay dunidii ku sugan tahay xaalad jahawareer iyo dagaalo, Somaliland horumarka ay  ka gaadhay nabada iyo xasiloonida waa mid mudan in in la tixgeliyo oo sidaa dardeed ay citiraaf caalami ah ku hesho.

xasan ucid

jamhuuriyadan Somaliland waxaa run ahaantii u hir galay labatanka sanadood  ee la soo dhaafay nabadgelyo iyo xasiloonaan  baahsan oo laysku halayn karo. Waxay ku guulaysteen inay abuuraan dumuquraadiyad si xor ah, oo xalaal ah loogu soo doorto hay,adaha dastuuriga ah; Madaxtooyada, labada gole qaran iyo golaha deegaanka. Waxaa dhidibada adkaystay hay,adii qaranka; Hay,adahaas  ah oo uu ugu horeeyo dasuurka,sida  garsoorka, xisbiyada, kommishinka dooroshooyinka qaranka, IWM. Waxaad arkaysaa  in  qaab dhismeedkoodu aad iyo aad u taabaqaaday.

Horumarka  ugu wayn ee ay jamhuuriyadani gaadhay  ee ay ku faani karto waa  nabadgelyada  oo sugan. Markaad  waraysatana shacabka waxaad markiiba dareemaysaa inay dhamaantood  ilaalo  ka yihiin sidii nabadgelyadaas loo  adkayn lahaa, iyagoo markiiba isbarbardhig ku samaynaya nabada ka jirta Somaliland iyo nabadgelya darada ka jirta dalalka deriska. Haddii adiga oo xitaa lacag  ama aduun kaleba sita aad soo marto dariiqyada magaala madaxada Hargaysa saqda dhexe waxaa hubaal ha inaan cidina ku eegayn. Waxaan tusaale u soo qaadanayaa khilaafka ka dhashay mudo kordhinta dooroshooyinka iyo sidii loo xaliyay 27kii .05.2015-ka. In dumuquraadiyadu tisqaaday waxaa ii  xaqiijiyay sida  ay isgu taanaasulayaa masuuliyiinta xusbiyada. 26kii bishan May, 2015ka waxaan fadhiyay xafiiska Ucid….. waxaa soo galay gudoomiyhii xisbiga muxaafadka ee kulmiye Mr. Muse Biixi Abdi, isagoo aan haba yaraatee ka qaloonayn inuu u yimid xisbi mucaarid ah  oo ay siyaasada isku hayaan. Waan u qaadan waayay dhacdadaas, dhawr goor ayaan eegmada ku celceliyay anigoo hubinaaya inuu isga yahay iyo in kale. Wuu iska fadhiistay isgoo la kaftamaaya xubnihii ay siyaasada isaga soo horjeedeen. Ujeedada uu meesha u yimina waxay ahayd inuu sexeexo heshiiskii ay ka gaadheen mudo kordhinta dooroshooyinka. Tusaale kale waa isdhexgalka dadwaynaha beelaha kala duwan ka soo jeeda. Intii aan qurbaha joogay waxay la ii sheegay in nabadi jirto Somaliland laakiin magaalooyinka  waawayn loo kala deganyahay beelbeel. Taasi waxay beenoowday aniga qudhayda  ayaa iminka ku sugan Magaalada Hargaysa , dad badan oo aanu halkaa isku waraysanay waxaay ii sheegeen inay ka soo jeedaan beeelaha kala duwan ee aan degin xaafadahaas ay markaa ku suganaayeen. Waa  dadwaynaha cida nabada ilaalinaysa, shaqadana abuuranaysa isla markaasna ilaalinaysa sumcada dalka. Haddi aad u sii kuurgasho waxaad  ogaanaysaa inay dadku qofwaliba ku mashquulsanyhiin sidii uu nolol maalmoodkooda ula soo bixi lahaa, qof aan wax macaashayn ma jirro. Waxaan badeeco ka iibsaday bagaashle suuqa wayn ku haysta ganacsigiisa. Waxaan u dhiibay lacag ka badan intii sicirku ahaa. Lacagtiisii ayuu iga tirsaday, intii ku dheeradka ahaydna  ayuu markiiba ii soo celiyay. Halkaa waxaad ka garanaysaa tayada iyo aaminimada  ay ku shaqaynayaan ganacsatada yar yar.Haddal haynta ugu badan ee dadku waa citiraafka, ka go,ista Somalia iyo arrimaha khuseeya doorashooyinka iyo xisbiyada. Halkaa  waxaad ka akhrisan kartaa sida ay  shacabka reer Somaliland ugu wayntahay inay helaan citiraaf caalami ah iyo weliba inay ka go, aan somalia.

 

Somaliland waxaay gooni isutaageeda ku dhawaaqday sanadkii 18 may, 1991kii, ka dib markii  ay dhacday dowaladdii dhexe ee digtatoorigii Siyad Bare. Waqtigaas oo wadaankii  somalia laysku odhan jiray burburay, una kala jabay dhawr gobol oo ay intooda  badan  ay hogaanka siyaasadeed ku hardamaan hogaamiya- kooxeedyo dagaal oogayaal ah.Halka ay koofurta Somalia ay gashay xaalad gebi ahaanba dagaal, fawdo iyo  burbur, waxay Somaliland  ku guulaysatay inay adkayso nabadgelyada oo ay sabab u tahay guusha ay ka gaadheen dumuquraadiyeenta dalka. Somaliland waxay hiigsanaysaa inay hesho citiraaf caalami ah, taas oo  aan weli u suuragelin. Gooni isu taageedana waxay sabab uga dhigaysaa, in Somaliland halgan hubaysan oo maal iyo nafba ku kacay ay xornimadooda kaga qaateen dalkii Somalia laysku odhan jiray ka dib markii ay xukuumadii halkaa ka jirtay kala kuleen cadaalad daro iyo xuquuqdoodii oo la duudsiiyay.

 

Markaad u sii kuurgasho waxyaabaha ay dadku aad u hadalhayaan waxaa ugu horeeya inay doonayaa in ka go,aan Somaalida inteeda kale oo ay citiraaf caalami ah helaan. Waxaan jira inay ka aamin baxsanyihiin  beesha caalamka oo ay leeyihiin beesha caalamku  tixgelin siinmayso dalabkayaga ku aadan sidii Somaliland madaxbanaani buuxda u gaadhi lahayd, waxayna jawaab adag ka bixinayaan haddiiba  aad la soo hadal qaado, inay suurgal noqon karto in Somalia iyo Somaliland dib u midoobaan. Hadaba waxaa iswaydiin mudan maxay Somaliland ma is bixin kartaa haddiba ay dhacdo in somaliland gooni isu taagto?……… Somaliland waxay dhacdaa Geeska Afrika, bada cas ayaa  u dhaxaysa  jasiirada carabta taasoo ka dhigaysa meel aad u istiraaaji u ah oo qaar  beesha  caalamka ka tirsan had iyo jeer ku tartamaan si ay saamayn ugu yeelan  lahaayeen jamhuuriyadan Somaliland. Waxaa kale oo iyana  meel muhiimad leh ka dhigaysa iyadoo uu dalku leeyahay khayraad aad u fara badan kaasoo isugu jira khayraadka beeraha, xoolaha nool, bada  iyo khayraadka macaadinta qaydhiin iyo weliba ka faaifdaysga dihnaanta Aadamiga ( Human Ressource). Waxaa xusid mudan in 14 oktoobar 20

14 lagu qabtay dalka ingriiska shirkii maalgashiga ee wadanka  Somaliland. Tasoo muujinaysa sida loo danaynayo maalgashiga dalkaas.(Eeg > investment)

Waxaase jirata run ahaantii dhibaatooyin  iyo caqbado fara badan oo dalka yar  ee curdinka ha horyaala. Dhibaatooninyka  aan anigu shakhsiyan liqi kari waayay  waxaa ka mid ah sicirbarar  baahsan oo karkaarkii  jebiyay  oo noloshi shacabka cidhiidhi  iyo khatar badan ku haya iyo biyala,aan haysta gaar ahaan caasimada hargaysa oo  dowladiina  aanay awood u  lahay inay arrintaas wax ka qabato. Mar aan waxa ka iibsanaayay  dukaanle yar oo magaalada  dhexdisaa ku yaala waxaanu is dhaafsanay areyo. Waxay gabadhii dukaanka haysay in sheekatay in aanay kari karayn in ay la jaan qaadan sicir bararka malin walba kor u sii  socda. Waxay ka daarisay nolosha sii qaali garowbaysa maalin kasta iyo gelin kastaba. Waxay tidhi haddi ay arrimuhu sidan ku sii socoto…….waxaanu isu dayn doonaa ganacsatada waawayn iyo kuwa tafaariiqlayaasha ah, anaguna waxbaba ma iibsan doono, waayo maba karayno. Taas waxay uga jeeday maba sii noolaan karayno, haddi aan dhaqso xal loo helin. Arrintu si kastaba ha ahaateee waxaa noloshii adkaynaya oo sicirbararka sii naaxinaaya iyadoo wadanka si caadi ah looga isticmaalayo lacagaha qalaad, sida dollerka maraykanka iyo birta itoobiya.Haddi aan si kooban uga hadlo biyo la,aanta ka jirta gaar ahaan magaalada hargeisa;biya laantu waxay gaadhay heerkii ugu sareeyay, biyaha waxaa lagu bixiyaa qarashaadku ugu badan oo aan ka go,in nolomaalmeedka dadwaynaha. Waxaan aad layaab u leh in marka uu roobbku da,o ay biyuhu dooxyada rogmadaan oo malaayiin mitir kuyuubik ku darsamaan  badwaynta; bada waynta cas iyo badwayntaa hindiya. Anigoo soo xiganaaya maqaal uu nin la yidhaahdo cali maraykan ku soo qoray wargayska hubaal ee soo baxay 28.05.2015, wuxuu dadwaynaha u soo jeediyay inay ka faa,idaystaan biyaha ku shubmaya badwaynta. „Waa in biyahaa la joojiyaa oo webiyo iyo harooyin waawayn  laga dhigaa, kuwaas oo ay dadka xoolaha iyo dalaguba ka faa,idaystaan“ ayuu yidhi. Cali Maraykan wuxuu fikirkiisa tiir adag uga dhigay tusaale wadamada ku yaal qaarada Afrika ee Nayjeeriya iyo Aljeeirya oo iyagu ka faa,daystay kaydinta biyaha roobka. Wuxuu sheegay inay wadamadaasi welba kaydinta biyaha kaga faa,idaysteen dhalinta tamarta. Cali maraykan oo hadalkiisii sii wata ayaa wuxuu kaloo sheegay in ka faa,idaysiga biyuhu  ay yihiin badbaada nolosha dad iyo xooloba leh ee ay durduradaasi markay rogmanayaa qaadaan. Waxaana xaqiiqa ah in togagaasi qaadeen  amaba ay khatar geliyeen dad badan oo nagu qaali ah.

Waxaa xaqiiqa ah in  arrima badan oo  in la xaqiijo loo baahanyahay  ay jiraa. Arrimahaas  waxaa ugu horeeya ku dhaqanka bulshada ee sharciga iyo qawaaniinta dalka u degsan, dowladwanaaga iyo la xisaabtanka hay,adaha iyo horumarinta xuquuqul insaanka. Haddii  aan arrimahaas  aan kor ku xusay mid mid u soo qaado:

Si cadaalad iyo sinaan loo gaadho waxaa lagama  maarmaan ah in dalku yeesho  xeer iyo qawaaniin lagu kala dambeeyo oo qayb kasta  oo bulshada nolosheeda  saameeya. Waa inay  jiraan hay,ado u xil saaran ilaalinta xeerarkaas  lagu heshiiyay. Xeerkaas waa inay ogolaasso iyo taageero buuxda ka helaan dhamaan qaybaha kala duwan ee bulshada: Tusaale, Inan  aan qaangaadh ahayn oo laysankii wadamarista haysan in uu gaadhi kaxeeyo way banaantahay oo waa mid iska caadi ah, haddi u dhib gaystana  isga loo qabsanmaayo ee cida bixinaysaa waa qabiilka uu ka soo jeedo. Arrintaa  waxaa  dusha  saaranayaa dowaldii loo igmaday oo iyadu gabtay hawshii arrintaas kaga  aadanayd.Waxaan shacabka reer somaliland dareensiinayaa in arrimaha noocaasi  ahi ay meelka dhac ku yihiin sharafkeena  qaranimo iyo dawladnimo reer Somaliland.

 

Dhibaatooyinka kale ee jira waxaa ka mida ah Tahriibta iyo dhalinyarada reer Somaliland:Waxaa si wayn oo aan qarsoodi lahay loola  socdaa dhibaatooyinka uu  keeno tahriibka. Waxaa la ogsoonyahay in dhalaankii iyo dumarkii wadanka uu magafe ku haysto saxaraha dhexdiisa. Hooyo katsaa  wadanaha  ayay  farta ku haysaa oo amba ilmiihii ay  dhashay  ayaa  dariiqa  taagan oo tahriib u diyaar ah ama magafe  ayaa booraan ku dhex haysta oo madaxfurasho ka doonaaya.

Markaan ka hadlo  dowladwanaaga iyo la xisaabtanka hay,adaha, xukuumada iminka jirta waxay ku guul daraysatay in ay dalka ku hogaamiso dowlad wanaag iyo cadaalad. Taas waxaa ka markhaati kacaya caqabadaha iyo dhibaatooyinka aan kor ku soo xusay oo aanay dowladu haba yaraatee inay wax qabato hadal hayn. Dooorashooyinkii oo la qaban kari waayay ayaa  iyana cadayn u ah guuldarada xukuumada.

Haddaba si looga midha dhaliyo hiigsigii iyo himiladii Shacabka sharafka mudan, citiraaf caalami ahna loo gaahdo, waxaa lagama maarmaan ah in dhakhso loo saxo khaladaadka soo galay dowladnimada jamhuuriyadan Somaliland.

 

Hassan Ismail Abdi

Xooghaye xisbiga ucid laanta Jármalka

 

 

COMMENTS
LINKS