|
|||||
WAJAALE NEWS
California: Gabadh 30 Sanno la Raadinayey Meel ay Jaan Iyo Cidhib Dhigtay, Oo Lafaheeda La Helay
June 2, 2015 - Written by Editor:Lafo laga helay buur yar dhinaceeda oo ku taala Waqooyiga California ayaa la xaqiiqsaday inay yihiin lafahii ardayad u dhalatay dalka Sweden oo la la’aa muddo 33 sanno ah. Ciidamadii Booliska ee baadhayey kiiskaasi ayaa dib u furay falka kiiskaasi oo ay hore u xidheen, sida uu ku waramay wargeys ka soo baxay shalay magaaladaasi. Hadhaaga lafaha haweenaydan ayaa ka koobnaa oo kaliya toddoba lafood (seven bones), waxaana markii ugu horraysay goobtaa oo ku taala magaalada Fremont ee gobolka California la helay sanadkii 2010, markii hadhaaga lafahaasi la isku hagaajiyeyna bishii November ee sanadkaasi la xaqiiqsaday inay yihiin lafihii gabadha 21 jirka aheyd ee Elisabeth Martinsson, sida uu shabakadiisa ku qoray wargeyska Madaxabaan ee the Marin.
Haweenaydan Martinsson, ayaa la waayey bishii January 17-keedii sanadkii 1982, waxaana 10 maalmood ka dib la soo xidhay Henry Lee Coleman oo 31jira, iyo Sabrina Ann Johnson oo 26 jir ah kadib markii la helay Oklahoma gaadhi yar oo nooca loo yaqaan yellow Volkswagen Rabbit oo Martinsson ay wadan jirtay. Baadhayaasha ayaa wada tijaabooyin dheeraad ah oo ay ku eegayaan Lafaha, si marka si dhab ah loo cadeeyo loogu celiyo xubnaha qoyskeeda oo degen dalka Sweden. COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|