|
|||||
WAJAALE NEWS
CAJIIB: Gabadh 18 Jir Ah Oo Hadana Loo Aqoonsaday Qofka Ugu Da’da Wayn Dalka Philippine.
June 25, 2015 - Written by Editor:Philippine(Wajaalenews)-Gabadh u dhalatay dalka Filibiin (Philippine) oo 18 jir ah, ayaa muuqaal ahaan loo aqoonsaday gabadha ugu da’da weyn dalkeeda, sababtoo ah waxa ay muuqaal ahaan u eeg tahay qof 144 jir ah. Inantan yar oo la yidhaah Ana Rochelle Pondare waxa haleelay xaalad keentay in jidhkeedu si degdeg ah u gaboobo oo toban jeer cimri degdego marka loo eego dadka caadiga ah, sida dhakhaatiirtu sheegeena waxa ay noqotay sidii qof 144 jir ah, arrintaas oo noqotay mucjiso aan aan hore loo arag. Xaalada haleeshay oo loo yaqaan Progreia oo ah mid qofka si degdeg ah u gaboojisa waxa ay asiibtay 14 jirkeedii, waxaana xaflada dhalashadeeda kala qaybqaata dad aad u badan oo jecel in ay daawadaan. “Ma ahi gabadh dhammays ah, dhakhtarku waxa uu ii sheegay in aan si degdeg ah u gaboobayo, cimrigayga koomka aan ku joogana uu yar yahay 15 sanno kadibna aan ka tegi doono dunida,” ayey tidhi Ms Pondare oo la hadlaysay CNN iReport barnaamij la yidhaa oo sannadkii 2011 la qabtay, kaasoo wargeyska Jamhuuriya soo xigtay. Waxa ay ka mid tahay bukaanka aadka naadirka u ah ee da’dan soo gaadha, iyagoo xaaladan haysato, waxaanay waqtigan xuska sannad-guurada dhlashadeeda rajaynaysaa in ay la kulanto fannaanad Filibiin u dhalatay oo ay aad u jeceshahay iyo suxufiyad Sarah Geronimo oo CNN u shaqaysa oo ay barnaamijyadeeda daawato. Sidoo kale, jilayaal caan ah ayaa gabadhan sawiro la gala, iyagoo tilmaamay in ay farxadeeda la qaadanayaan. Haddaba, mac-hadka cilmi-baadhista ku sameeya xaalada ee Progeria Research Foundation, ayaa sheegay in 80 carruur ah oo adduunka ku nool uu xannuunkan naadirka caalamka ku ah haleelay, kuwaasoo laba kiis oo ka mid ah dalka Filibiin laga helay, iyadoo la ogaaday in xaalada Progreia uu sababo booratiin loo yaqaan Progerin, kaasoo ku dhega gidaarada unugyada jidhka, qofkuna aakhirka maqaarkiisu si degdeg ah u gaboobo.
Related posts:COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|