Caashaqii Awoowgay. Maxamed Sadiiq. Qaybtii 3aad | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Caashaqii Awoowgay. Maxamed Sadiiq. Qaybtii 3aad
June 13, 2015 - Written by Editor:

Gurxanka iyo guuxa siduu u taahayo ee kolba awoowo u leeyahay ayaan kasoo baxaa qolka jaan oo aan idhaa awoow waa xilli danbee waan sii soconayaa waxaan ku kallahayaa berri dugsiga oo aan leeyahay xiisad kallahaada, isagoo aan iga xiiso goyn ayuu I yidhaa sii nabad gal waan kusii dhawayn lahaaye caawa madaxa I xanuunaya, “alla muxuu istiilaya odaygu itaaloow ba” Toddobaad waxaan u adeego oo aan aqlka uga shaqeeyo, karahay oo durba soo nacay odaygii markaan arkay ismakeekigiisa iyo inuu asaasaqay oo balaayo kale u bidhaamayso. Meeshaba masoo dhigan Aw Faarax damacbaa kaa geli waxaan ahayn waalidnimo iyo inuu awoow yahay oo aynigii tukubaha awlaadoodi u hayaan, dhiiranaa kolba wuu ii guud marayaa waxa gubaaya ee uu maagan yahay anna ma shidaysan oo waxaan isalahaa waa gabaw iyo aashiiye malaha arinkiisu ma dhaafsiisna guuxa.

Laba habbeen markuu aabbahay arrinkii keligii uurka ku hayay wuxuu go’aansaday inuu uga waramo hooyaday Canab, habbeenkaa uu warka jaan siday aabbahay wuxuu soo hayday fiid hore, inta badan xilligaa muu iman jirin yaalaa aqalka oo waa hadaha qaadku ku gadho. Qarxiska aabbahaybaan ka maqlay oo habbeen uu guriga ku qayilayay ayuu la hadlaayay Farda-jaan nin la yidhaa oo ay saaxiib ahaayeen wuxuu ku lahaa soo mar kolayga barwaaqo qarxis inooso qaad. Habbeenkaas ayaan waydiiyay aabbo Ducaale qarxiska oo aan ogaaday inuu yahay jaadka xilliyada danbe la ruugo. Cashadiibaan usoo dhigay miiska degdeg intuu u cunay ayaan is idhi malaha aabbo caawa wuu xanuunsanayaa si naxariisle ayaan ugu idhi “ aabbo caawa maad xanuunsanaysaa waadigan soo fiid hoydee” isagoo dhoola cadaynaaya  intuu kor ii eegay ayuu I yidhi “ aabbo mayee caawa hooyada oo aanan berayaha sheekaysan ayaan is leeyahay sidii dhallinyaranimadii ula haasaw” qajilaad weyna odayga baas muxuu ku hadlay intaan qoslay ayaan qolkaygii isku aasay.

Waxaan qabsaday Tellephon toddobadiisa nambar dushaan ka hayee intaan wacay ayaan cabaar dhagaystay dhuudha codka telefoonka dhacaaya hore iiga qaban waa. Wacays wuxuu ahaa wiil aanu asxaab isu dhaw nahay dugsigana ilaa yaraantii isku fasalbaanu ahayn. Intabadan ma Waco habbeenkii anoo dan u leh mooyee. Habbeenka waxaan ka warso lahaa cutubyada lagusoo qaadayo imtixaanka Soomaaliga oo aan sharaxaadi macalinku ku iftiiminaayay meelaha imtixaanka u badan aan ka maqnaa saaka. Cabaar kadib Warsame wuxuu qabtay telefoonkii bariiduu ila boobay” Alla waa Ubax walal ii waran yaa kuu duceeyay caawa beryaha telefoonkaaga sanqadhiisa lama maqale, caways wanaagsan raxmaanku makuu roonyahay. Bariidadii uga gudoomay si diiran qosol iska keen keenana jac ka siiyay, uma baran inaan fiid hadlo oo waxaan ka xishoonayaa in aabbo codkayga maqlo waxaan huwaday bustii ma aaminine hadana waxaan dusha iska saaray barkin qaaciya oo halkeer taalay. Waxaan ka waraystay waxooga qaabka imtixaanka cutubyada lagusoo qaadayo iyo inuu hayo su’aalo iyo jawaabo diyaarsan si aan u akhristo inta imtixaanka ka hadhay. Warsame si waafiya wuxuu dhamaan iiga qanciyay waydimaahan ka rabay jawaabtooda, cabaar markaanu kaftanay ayaan nabad gelyeeyay oo aan u jihaystay inaan jiibsado, go’ barbar cas oo aan huwan jiray intaan tiigsaday oo aan laydhkiina bakhtiistay ayaan madaxa iyo mijaha duubay oo aan aayad kursigiina hurdada ku subciyay.

Aabbahay intuu kacay ayuu hurdadi huluushay hooyadayna way ka daba gashay “ Cibaadooya odayga Aw Faarax ee aad tolka tihiin wuxuu galab dhawayd iigu yimi maqaaxida Siraad anoo ku qayilaaya wuxuu ii sheegay arin aan iga daadagin se markaad dhaqan ahaan eegto aan ugub ahayn, wuxuu I waydiistay inanta Ubax waxaanu doonaya in loo dhiso ee arinkaa kawaran se inanteenu ma yeeli doontaa” hooyaday oo fajacsan ayaa abbahay cananatay oo moodday inuu odayga isagu igusoo hagaayo way la dirirtay dagaal aanu galabsanbay kaga qaad qaaday “ hacogiiyoow ma maantada taana keentay oo aad marduuf sisatay inantii yarayd waar doonid lahaane maydkeedanu gacan saarayne ila dhaaf hantaataca” aabbo oo aad u xanaaqasan ayaa hooyo u sheegay siduu arinku ku yimi iyo halka uu ka taagan yahay, wuxuu u sheegay aabbo in arinkani xaal yahay oo aan odayga inanata sidaa loogu diidi Karin ee ay mudantahay in horta Ubax la waraysto oo la waydiiyo rabitaankeeda, hooyaday oo og hankayga iyo inaanan aqbalayn ayaa aabbahay ku qancisay inay talada dub iiguso celiso.

Subixii anigoo sugaaya quraacda oo dhabarkan ku sita shandadi dugsiga aan ku tagi jiray, ayay hooyo iiga yeedhay qolka hurdada waan u tagay oo waxaan moodayay inay ii dhiibayso lacagtii bisha oo dhamatay, hooyaday oo hoos u hadlaysa ayaa I tidho “ hooyo odaygii Aw Faarax wuxuu ku waydiistay aabbaha oo uu ku yidhi waxaan doonayaa inantaada Ubax arinkaasina ma sahlana mustqablaakag ma jecli inuu mugdi galo rabitaankagana waan tixgelinyaa ee kawaran” marooradilaaca waxa indhah igasoo booday ilmo aanan garanayn meelay ka timi, codkii wuu igasoo bixi waayay oo sidii qof gaangi leh baan carabka celceliyay, daqiidado kadib ayaa hadlkii igasoo booday” Hogayeey hooyo ma odayga gaboobay ee ilkaha la’ee tukubaaya ayaa aabbahay I siisay maantan jabay alla maan dhinto” hooyo aamu aamu laguma siin weli ee waa fikir iyo falaanqayn, waxaan mooday in lay siiyay iga daadagi  waa hadalkii hooyada.

Intaan shandadii dugsiga tuuray ayaan debedda u booday oo aan orod miciinsaday waxaan u dhabaabaceeyay cadceeda kasoo baxa oo aqalka eedaday nagag beegnaa, intaan sii cararaayay waan ooyay qofkastoo I arkaan wuu naxayay oo waxa la moodayay in geeri lay sheegay oo aan ku ordaayo, eedde maxaa ku helay ayay iga wada dab leyihiin dumarkii aanu jaarka ahayn, hadal igasoo bixii maayo waxaan talaabada hoosta ka xadaba waxaan gaadhay gurigii hareeraha ma eegin ee waxaan so xidhay qolkii fadhiga, hurdo aan I hayna indhahan is geliyay, eedo oo I arkaysay markaan guriga soo galay ayaa igusoo garaacday qolkii kamaan furin murugo daraadeed, “ naa Ubaxeey eeddo fur aqalka maxaa ku helay naadee ila hadal, bisinka maxaa ku dhacay inantiii hoogayeey malaha way suuxday” waxay markiiba u yeedhay inan aanu ilmaabti ahayn oo qolka fadhiga jiifay, waar Nuuxoow kac balaayo la hurude inantii Ubaxbaa qol hoosta kasoo xidhatee. La soco …………………

 

COMMENTS
LINKS