Caashaqii Awoowgay! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Caashaqii Awoowgay!
June 2, 2015 - Written by Editor:

Aw Faarax waa doob aan weli guursan gacantana saarin gaari dumar, wuxuu ku gaboobay boqortooyada ingiriisaka oo uu yari ku tegay, waa markii u horaysay ee uu dalka yimaado, marka uu soconaayo waxaad is odhanaysaa dhulka waaka kasoo go’ay  odaygu, ciir-cirka waxa u dheer gariir aanay gacmihiisu istaagayn waa da’ iyo caalkeede wuxuu madax la galay sannadkii sideetanaad. Muuqiisa waa Nin qurbe ku koray oo ku eryi maayo markaadse dhaayaha saarto waad garanaysaa inay da’dii kasoo dhacday. Waa oday reer magaal ah oo muxash-xasha bashaashnimada wxaa u dheer kaftan badan, balwada wuxuu leeyahay sigaar saacaddii baakidh uu ku idlaysanaayo, taraqa iyo baakidhka makala dhigo waa afku dable sigaaryo cabba.

11150496_881835928542627_6144229213808952000_n

Wuxuu jecelyahay fanka shandad yar oo biikeesa waxa ugu buuxa cajalado qaraamiya oo qaarkood aanana weligay maqal, heeso iskuma jiraane wuxuu aad u xiiseeya oo aanu marqudha ka saarin riinkoodh weyn oo uu kala yimi qurbaha  Alle haw Naxariistee Maxamed Mooge Liibaan codkii malabku cawryay waa halkii Boobe, qaraamiga kale kama qatana Magool iyo Hibo Nuura ayaan habalaha ka gartay uu dhegaysto, qaar soomali ma moodid oo luuqda mooye garanamaysid midhaha markaa tahay da’dayda. Saacadaha danbe wuxuu dhagaysta sudaani markaad maqasho aanad dhaqaaqayn, waxaan ka xuususta magacayada uu tirin jiray Maxamed Wardi mooyi malaha da’diisu ahaa fanaankaasi,

Wuxuu lahaa Kaman cuuda oo labiyo toban xadhigle ah kelidiibu tuman jiray saacadaha danbe marka jabaqdu go’do, waxaan jeclaa cuudka qalbiga culaaya markuu xadhakaha gacanta midig intuu qori yaroo fiiqan ku qabsadu uu kaga sanqadhiyo dhawaaq aad moodo cod bani’aadam waan muraaqon jiray, yaqaanii bahalka oo gacan degenaayee, maraan ka waraystay goortu bartay wuxuu ii sheegay inuu qurbaha ku bartay oo hadda kudhawaad kontameeye sanno uu weheel u ahaa kamankan duugoobay. codwanaagsanbuu lahaa oo aad odhanayso laqaad fanaan muu noqdo hawgu raaxeeyo dadkee, heeso qaraamiya oo aanan cid qaadaba garanayn ayuu qaadi jiray kolkaasu I odhan jiray tani waa raaxeeye magacyo kaloo badan oo aan xafidi kari wayay ayuu ii tiring jiray, “wuxuu I yidhi kamanyahanadii cabdilaahi qarashe u weynaa waxa jiray waagoodii in laxanka laga horaysiiyo midhaha heesak, iyadoon laba curin ayaa luuqda loo magac bixin jiray” codka Tubeec aadbuu u yaqaanay oo labmaba kala garanayn markuu qaadayo hesaha Tubeec. waxaad mooda riinkoodha sida uu u xafidsan yahay heesaha. Afkiisuunbaan eegi jiray markuu heesayo alla cod wacanaayee Aw Faarax.

Markii uu kusoo degay aqalkayaga waxaan usoo dhaweeyay si aad u qiimo badan dhego nuglaan aan lahaynbaan yeeshay oo markaan codkiisa maqlo heeda iyo loojooga aan agtaanganahay maba kala fogayn, hab maamuus waalidnimo ayaan kusoo dhaweeyay, kala maan isagana busayl iyo xiise jaanba jaf la siiyay, erayada kalgacalka huwan soo dhawaynta iyo wanagiisa aan xadka lahayn wuxuunbaan u dhadhansan jiray dareen waalidnimo, anna waan ku dhiiran jiray oo waxaanu noqonay saxiibo aan kala maarmin. Markuu suuqa tagaaya waan raaci jiray had iyo jeerna wuxuu ii iibin jiray hadyad aan ku farxo isagoo islehe kusoo dheewe oo ku abuur jacaylka waayeelnimada ku hantiyay, maba filayn inuu caashaq bistiiyahay Aw Faarax, hadaan islaan ahaan lahaa laabtiisa kamaan baxeen.

Wuu igala xishooday inuu uurkiisa waxa ku jira afka iiga sheego wuxuu ogaa  inaan la yaabi doono oo aanan aqbali doonin, Aw Faarax hooyaday Canab ayay qaraabo yihiin waan asababta uu aqalkayaga ugusoo degay, wuxuu qarsado oo uu qufaco, maalinba maalinta ka danbaysana lagu baaho, talo fara ka haaday  maalintii danbe ayuu warkiisa dhayda ka caddeeyay, wuxuu maqaaxi uu ku qayili  jiray aabbahay ugu tagay goor fiida, bariido gacal iyo kaftana haaswe oo ku sal lahaa waagi aabbahay la tagay Hooyaday Canaba taariikhdii gurkooda iyo sheekada uu Aw Faarax ku maqlay qurbaha ayay ku haasaaween, dantuu u socday intaanu diirka ka qaadin.

Aabbahay ducaale dabeecad ahaan waa nin furfuran oo kalgacal badan, arrinkasta oo soo kordha iyo talaabo kastuu qaadayo wuu nagala tashadaa, gaar ahaan ubadkiisa tobanka ah anuu ii jecelyahay oo taladiisa nusdanbeed u ah, reerka waxaan u ahay guri danbayas lagu indha kuusho hooyaday magacyo badanbay ii taqaan, ifiya iyo ilaysba waa laygu nanaysa oo aqalkayaga hadaan ka maqnahay maatal farxadii, hoyaday waa gabadh caqli badan oo jecel inaan noloshayda xor u noqdo, aabbahayna waa nin aqoon  yahan oo barbaarinta ubadka iyo qoyska aad ugu khabiira.

Maxamed Sadiiq Dhamme

COMMENTS
LINKS