Boqolaal Mucaashaqiin Ah Oo Gabadh Guur Doon Ah Saf U Galay iyo Siday U Xulatay Dookheeda | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Boqolaal Mucaashaqiin Ah Oo Gabadh Guur Doon Ah Saf U Galay iyo Siday U Xulatay Dookheeda
June 18, 2015 - Written by Editor:

Abuja(Wajaalenews)-Boqolaal mucaashiqiin ah ayaa hadheeyay xarun raadiye oo ku yaal waqooyiga Nigeria kaddib markii gabadh deegaanka ah ay sheegtay inay guri iyo gaadhi siineyso ninkii guursada.

gabadh guurdoona

 

Zainab Abdulmalik oo 23 jir ah ayaa sheegtay inay khibrad xun ay kala kulantay jaceylkeedi hore, taasina ay ku kaliftay inay nin ku hesho habkan aan caadiga aheyn.

Gabadhani oo ganacsiga horumar ka gaadhay ayaa sheegtay inay ku bixisay labo kun iyo shan boqol oo doolar saaxiibkeedi hore, kaddibna uu ka tagay.

Salaasadii ayey tagtay raadiye lagu magacaabo Freedom Radio oo ku yaal Kano, waxayna dalbatay ninkii la wadaagi lahaa mustaqbalka iyadoo ka sheegtay in ninka ay dooneyso ay da’diisu noqoto inta u dhexeysa 17 ilaa 25, uuna yimaado maalinta xigta. Waxayna ballan qaaday ninkii ay doorato inuu guri iyo gaadhi heli doono.

 

Maanta ayey boqolaal dhalinyaro oo aad u labisan isugu yimaadaan xarunta raadiyaha.

 

Wariyaha raadiyaha ee wareysanayay, Nasiru Zango, ayaa ku tilmaamay jawiga mid qasan markii ay mucaashiqiintu yimaadeen.

Zainab waqti badan iskama khasaarin, waxayna safka dheer ka dooratay nin. Lamana oga faahfaahinta ninka nasiibka leh.

Kaddib markii ay heshay ninkii ay dooneysay Zainab ayey goobta ka tagay iyadoo teleefonkeedu uu dansan yahay ilaa markaas.

 

Source-BBC

 

COMMENTS
LINKS