Barkhad Jaamac Batuun Oo Dib Xoriyadiisii U helay | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Barkhad Jaamac Batuun Oo Dib Xoriyadiisii U helay
June 19, 2015 - Written by Editor:

Hargaysa: (Wajaalenews)-Siyaasiga Barkhad Jaamac Batuun,oo Habeenkii xalay Ciidamadda Amaanku xabsiga u taxaabeen ayaa dib u helay Xoriyadiisii,ka dib dadaalo ay samayeen Hogaanka Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI,oo uu ka mid yahay.

Siidayntiisa ka dib,ayaa qoraal kooban oo uu ku baahiyay barta xidhiidhka Bulshadda ee Facebooka,waxay u   dhignayd sida tan: “Alx Ramadaan karim Gobey liico ha jabin waxaad dhamaantiin agteyda ka goysaan qadar weyn iyo qiimo mugleh intaana jecel cadaalada necebna dulmiga ilaa xalay qowl iyo qoraalba igu hiilneysa bulshada somaliland waxa marag madoon ah iney yihiin dad nasab ah oo jecel wanaaga cid kasta oo kaalin ku laheyd sii deyntayda waan uga mahadcelinayaa aad iyo aad ayaad u mahadsan tihiin hadda ayaa la i soo daayey xadhigii xalay ee la igu xidhay bilaa sabab li ida anigoo markaas un ka soo baxay masjidka sheekh dirir taraawixdii, marki hadda la i soo daynayey ayaan waydiiyey maxaad igu soo xidheeno waxa la igu yidhi waa amar xaga sare ka imid! fal danbiyeed faraha kulmaan jirin, cid cirdigeed waxba uma dhimin, balaayo maan falin haddana garan maayo ula jeedka waa ramadaan afkaygaan haysan balse qoraal kooban ayaan idink soo tabin siday wax u dhaceen Somaliland guul iyo gobonimo waarta Gobey liico ha jabin”.

COMMENTS
LINKS