Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen Oo Si Cajiiba Uga Dareen Celiyay Raali Galintii Daahir Riyaale Siiyay, | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen Oo Si Cajiiba Uga Dareen Celiyay Raali Galintii Daahir Riyaale Siiyay,
June 12, 2015 - Written by Editor:

“WAANU KA AQBALNAY Madaxweyne Daahir Riyaale Raaligelintiisa”. Md. Jamaal Cali Xuseen

Hargaysa: (Wajaalenews)- Musharaxa Jagada Madaxtinimadda ee Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID, MD. Jamaal Cali Xuseen,ayaa sheegay inay MADAXWEYNE Rayaale ka aqbaleen raali-galin maalintii shalay Saxaafadda u mariyay,kaas oo ku saabsan sababihii saaxadda SIYAASADDA Ka saaray Xisbigii UDUB.

daahir riyaale iyo jamaal cali xuseen

Qoraal kooban oo Jamaal ku baahiyay barta Xidhiidhka Bulshadda ee Facebook-ga ayaa u dhignayd sida tan: “Hogaamiyaha dhabta ah waxa lagu gartaa markuu garowshiiyo yeesho. Madaxweyne Riyaale wax Badan buu dalkan ka soo qabtay, Milgo Iyo sharaf buu mar walba dalkan ku leeyahay. Dalkan qaladaad badan Iyo dulmi badan Oo ka dhacay cidna dusha looma saarin, taasina marwalba keentaa in aynaan waxba ka baran, oo aynaan qaladaadkeena ka faaiidaysanin. Ilaahay marwalba haynaga yeello kuwa xaqa Fahma. Madaxweyne Daahir Riyaale maanta Wuxuu inoo muujiyey inuu yahay Hogaamiye aragti dheer, madaxda Africanka way ku adag tahay inay qirtaan qaladkooda. Bal Aynu sugno in siyaasiyiinta Somaliland inay Ummadda hor istaaga an oo qaladkooda qirtaan. Madaxweyne Riyaalle waan u qirayaa siduu dimuqraadiyada u soo dhisay 5 doorasho oo aan dhiig ku daadan Iyo daacadnimaddiisa qadiyadda Somaliland. Ilaahay madaxda haynoo hagaajiyo”

COMMENTS
LINKS