Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen Oo Saxaafadda Ka Difaacay Dacaayad Kaga Timid Jilayaal La Kireysto | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen Oo Saxaafadda Ka Difaacay Dacaayad Kaga Timid Jilayaal La Kireysto
June 5, 2015 - Written by Editor:

Berbera (Wajaalenews) –Weerar dhinaca warbaahinta ah ayaa dhexmaray Musharaxa Jagada Madaxweyne ee Xisbiga UCID, Md. Jamaal Cali Xuseen iyo labada Jilaa ee sida weyn caanka ugu ah kaga qoslinta dadka ee Sooraan iyo Jawaan. Arrintan oo ka dhalatay Riwaayad ay labadaas jilaa ku soo bandhigeen Xaflad ballaadhan oo uu goob joog ka ahaa Madaxweynaha Somaliland, Md. Axmed Siilaanyo taas oo lagu daah furaayay xarun weyn oo lagu baadhi doono Shidaalka Haamaka kaydka Berbera.

Jilayaasha

Markii Riwaayadaas oo si toos ah looga daawanaayay daafaha dunida ay baahiyeen ayuu Jamaal Cali Xuseen eedayn xoogan saxaafadda u soo mariyay, isagoo su’aal galiyay sababta ay Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo mar qudha wax uga sheegi waayeen.

Qoraalka Musharaxa UCID arrintaas kaga hadlay ayaa u dhigna sidan “Sooraan iyo Jawaan oo aan ixtiraam weyn u hayo; waan arkay iyagoo duraya xisbiyadda Qaranka xaqna way u leeyahiin, waan arkayna iyagoo duraya Saxaafadda imikadan xaqna way u leeyahiin, laakiin weli maan arag iyagoo duraya Xukuumadda iyo golayaasha qaranka ee xilka ummadda u haya. Imika muddo kordhin iyo Guurti baa laga cabanaayey, kamana ay hogga tusaaleyn. Ha ogaadaan in qiimahooda jilaanimo ay hoos u dhacayso haddii ay indhaha ka saabaan ama ka laliyaan danta qaranka iyo xaqiiqda jirta. Kolay iyagu safaafaddan ay dacaayadeeynayaan waxay is leeyahiin difaaca xukuumaddee; tollow miyeey ilaaween saxaafadda ay xukuumaddu maamusho ee beenta qaawan habeen iyo maalin ka sheega mucaaridka?”. Sidaa waxaa yidhi Musharax Jamaal Cali Xuseen.

COMMENTS
LINKS