Alleylehe Anigaa Ka Xun Oo Caqliga Sidaasa U Cadhooday- W/Q: Mujaahid Cali Xaraaro | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Alleylehe Anigaa Ka Xun Oo Caqliga Sidaasa U Cadhooday- W/Q: Mujaahid Cali Xaraaro
June 5, 2015 - Written by Editor:

Waxa la yidhi nin iyo xaaskiisii ayaa isku xanaaqay hadalkiina wuu ka duulay ka dibna xaaskii ayaa ka baqatay inuu ninkeedu gacan saaro, intey wiilkii curad oo gu’ jira dhabarka saaratay ayey muska ka boodey , ka dibna kaynta gashay, ninkii oo aqal Somaliga ku jirey ayaa soo baxay, xaaskii iyo wiilkii curadba wuu arki waayey, dabadeed magaceedii ayuu kor uugu dhawaaqay wax jawaabana wuu maqli waayey, ka dibna duleedkii reerka ayuu war wareegey wuxuu arkay raadkii xaaskiisa oo u kacay xaga kaynta, halkii ayuu raadkii raacay wuxuu socdoba wuxuu maqlay cod dumar kolba wuu ku sii dhawaadey markii dambe ayuu arkay xaaskiisii oo geed hoos fadhida dhabtana ku haysa wiilkii curad isla markaana la sheekey saneysa oo ku leh, hooyo macaane xageynu qabanaa.

Dabeeto ninkii ayaa wuxuu la yaabay markii hore qofkan weyn ee wiilka gu’ jirka ah weydiineysa xagay tegi lahaayeen, in yar ka dibna isagii ayaa dib isku eegey oo is canaantay oo isku yidhi, aleylehe anigaa ka xun oo caqliga sidaasa u cadhoodey oo debeda u soo saarey. Ka dibna intuu labadiiba ku dhegey isagoo ka murugeysen qaladkuu galay ayuu kaxeeyey.

Hadaba akhriste bal ka waran hadaad caqliga noocaas ah talada u dhiibto? mudadan uu talada dalka hayey Axmed Siilaanyo waxa inagu badan ereyada ay ka mid yihiin hiblaayo ayaan ku socdaa. heblaayo ayaa diidey. gurigii heblaayo ayaa lagu shirey. heblaayo ayaa eridey. heblaayo ha inala ogaato arinka. waxaynu aragnay gabadh ka hadlaysa tv.ga oo ku tiraabaysa dumarka oo ku leh iska celiya raga oo awooda ka qaada, markaa waxaan odhan lahaa waar dumarka guryaha ku celiya

 

W/Q: Cali Cismaan Libaax (Cali xaraaro)

COMMENTS
LINKS