Af-waynta Ha Goosan! Q 1aad W/Q. Maxamed Sidiiq. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Af-waynta Ha Goosan! Q 1aad W/Q. Maxamed Sidiiq.
June 29, 2015 - Written by Editor:

Noloshu waa Safar, sahayduna waa iimaan, sakhirkuna waa xagga Rabbi, maalin waliba xasuus leh, xanuun waliba xanaf leh, waa qof iyo siduu u xardhaamiyo waayuhu, hooyo     Kaaba waa gabadh carmala oo cibaado badan oo dhawrsoonaan guule hibo u siiyay, waxa laga joogaa muddo ku siman siddeed sanno geeridii ninkeeda. Waxay dadba danbaabtaa inan ay ugu wanqashay Barni, jacayl aawadii magacyo dhawra ayay ugu baaqdaa. Barni aabbeheed wuxuu ahaa quraan ruug qiimo, qadarin iyo qaayo ku lahaa bulshada ay ku dhex nool yihiin. Barni aabbeheed wuxuu ku geeriyooday isaga oo khuruush ugu baxay waddanka bangaladhiish. Hooyo Kaaba markii loo soo tebiyay geerida odaygeeda xaaji Xiis dhibkii iyo diihaalkii ay ka qaaday waxay kala gudboon tahay dumarka asaageed ah, ee Illahay kala qariyay udub dhexaadkii qoyskooda.  Waxaad moodaa inay imminka ka soo doogayso waxa maanka iyo miyirka u dhaya maamuuska ay u hayaan deriska aqoonta u lahaa Xaaji Xiis kaalintuu ugu jiray. Hooyo Kaaba  il dhaqaale ugama tagin qoyska xaajigeedi xijaabtay, waxay ururisaa hagbad ay u qabato gabdhaha ay ceeshka iyo milixda isku yihiin ee deriska waa qoys isku filan isku qoofalan oo wax kala qaata waa hooyo bilan iyo inan baariya.

 

Barni waxay noqotay gashaanti wadata kal iyo laab muuqa midabkeeda dahabka ah waxa u dheer laafyo dhaayihii jaleeca dhaygaga aanay  limiqsanayn, waa xuural cayntii ifka. Dhammaan dadka ay la degen tahay xaafadda quruxdeeda way wada majeertaan marka qurux la sifaynayana hal qabsibaaba laga dhigtaa Barni oo kale. Dhegta iyo dhabanka waxay ka raacday Barni hooyadeed Kaaba. Gelinka hore waxay ka shaqaysaa gurigooda iyo karinta qadada, Gelinka danbena waxay dhigataa maxad lagu dhigto culuumta diinta. Waxay ku yeelatay maqaam, majlis madashii ay wax kabaranaysay asxaab cusub waxay aad isugu dhega iyo arag furmeen inan la yidhaa Xamda waa filkeed da’ahaan quruxna ma ka dhacdo toosnidu waa mid meesha taalle waa qoor dheer arag san. Labba qof oo saaxiiba waxa la ogyahay in mid uun qaato mabda’a iyo fikirka ka kale.

11150496_881835928542627_6144229213808952000_n

 

Xamdi waxay kaga duwan tahay saaxiibadeed Barni waa inan meeraysiga iyo maraadayska taqaana, waxay leedahay Xamdi asxaab tiro badan oo isugu jira wiilal iyo gabdho, waxay ka mid tahay barbaarta dhaqan habaabtay, ee ku dayday ilbaxa shaydaanku hagaayo. Habeenkii waa u meeraysi iyo qolqol kale wareega Xamda, dhagihii Ilahay waaniyaa waansane wax sheeg iyo dardaaran hooyadeed way kala daashay. Mararka qaar wiilal ka waawayn ayaa garaaca ilaa xubin waliba milisho oo oogada jidhkeedu wada sumad noqdo, haddana dheg uma dhigtee halkeedii ayay ka miitsa.

 

Barni waxay noqotay qof la mabda’a iyo maan ah saaxiibadeed Xamda, lama filaan xuub siibadka iyo xarago u boodka, xan u dabaca, xil la’aanta, xoolo yarida iyo xidigo fuulku waa waxaan looga baran. Barni hooyadeedna ugamay fadhiyin fiidmeeraysi waxay ku noqotay fajac iyana waa u faakahayn iyo dhukhdhukh dhafoor daalisa,  Barni iyo Xamdi waxay noqdeen sheeko wadaag aan kala hadhin hadh iyo layl. Habeenkii waxay hooyadeed ku maaweelisaa Barni waxaan ku maqnaa reer hebel, waxaan soo daawanayay filimkii musalsalka ahaa, filmkaasi waaka ibtileeye aqalka ka saaray dheehashadiisu, haasaawe iyo sheeko badan ayay ka baratay filimka jaan ee fiidki kasoo gala shaashada muuqa baahiyaha, waaba  dhaqan dooris aqalka loogu keenay awlaada kama habsaanto kamana maqanaato habeen qudha.

 

Habeen habeenada ka mida ayay Barni qabatay guriga saaxibadeed nasiib daro se way soo weyday subixii ayay aragtay “naa halkeed qabatay xalay aqalkiinaan imi oo waan kaa waaye saaxiib” iyadoo dhoola caddaynaysa ayay si degen ugu tidhi “ Dee Xaajigii ayaan xalay balan lahayn oo aan u tagay” yaab iyo amakag waxay dhabanka saartay baabacada Barni oo Xaajigu muxuu ahaa, hoogtooy ma waaanad fahmay jacaylka inankaanu wada soconaan jeeda saaxiib, kute “miyaanad adigu cid la bixin! Barni waxay ugu jawaabtay saaxiibadeed “may anigu cid lama sheekaysto”Waa sannad dabayaaqadii, Xamdi waxay ku guubaabisay saaxiibadeed inay balan leedahay habeenka sannadka cusub, waxay si dareen qaada ugu tidhi saaxiib Xaajiga aan wada sheekaysanno waxa la socda wiil adna saw ma tihid saaxiibadday, kute saw iima wehel yeelaysid? “Haa waan kuu wehel yeelaya xagaan saaxiib kaaga hadhaa” waa habeenkii u horeeyay ee Barni ay baxdo waa habeen xun xageedana wacan. La soco………………

 

COMMENTS
LINKS