Yaa Yidhi Saleebaan Gaal Baa Guurti ah.Muj Cali Guray | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Yaa Yidhi Saleebaan Gaal Baa Guurti ah.Muj Cali Guray
May 28, 2015 - Written by Editor:

Hargaysa(Wajaalenews)-Gudoomiye Ku-xigeenka 3-aad ee Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID,ayaa si kulul u dhaliilay u duray hab-dhaqanka Gudoomiyaha Golaha Guurtidda Somaliland, Md. Saleebaan Maxamuud Adaan,isaga oo sheegay inuu meel kaga dhacay sumcaddii golaha uu ku abtirsaddo ee Guurtidda.

Md. Cali Gurey,oo qoraal kooban ku baahiyay barta Xidhiidhaka Bulshadda ee Facebook,ayaa u dhignaa sida tan: “yaa yidhi Saleebaan Gaal baa Guurti ah. Waar maxay guurtinimo dhimatay! Nac iyo xasad xin iyo buqdi yuurura oo weel ku wada jira miyaa inta Gudoomiye looga dhigay Aqalkii Sare ee Baarlamanka Somaliland goor baas la yidhi laguma dhaamo eh dhaqaaq. Horta waa abaal keen, hadii cinda laahi aanu SHIQI qornayn ma waxa uu ka guban lahaa dadkiisii oo tashaday oo dhexdooda ka heshiiyay sharcina ku jooga oo dhibaatadii dalka jirtay ee DOORASHO LA’AANTA xal u helay ayuu inta uu gaashaanka ku dhufto odhan lahaa, maya maya waxba kama jiraan waxa ku heshiiseen ee aniga ayaa idiin haya wax aydaan ku heshiin karin ee ku kala tagtaan hadaa doontaana iskuba dishaan.

Magac bilaash uma baxo guurtinimona maalintii Saleebaan Gaal Gudoomiye looga dhigay ayay dhimatay dibna looma arag. Hadii beryaha qaar aynu xusuusan nahay guurti xalka qayb ka ah maanta ta aynu aragnaa miyaanay iyadu dhibaatada lafteeda ahayn oo xal inooga baahanayn” ayuu hadalkisa kusoo xidhay Muj; Cali Gurey

 

COMMENTS
LINKS