Xusuustii Mubaarik Yuusuf (Bidhi) Iyo 27 May Burco Sanadguuradii 27aad, Waxaan ahaa Mujaahidka Maalinta leh Taarikhda in Calanka SNM Anigu Saray Birta Saldhiiga Dhexe Burco .ki faqshtana Dhulka Soo Dhigay . | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xusuustii Mubaarik Yuusuf (Bidhi) Iyo 27 May Burco Sanadguuradii 27aad, Waxaan ahaa Mujaahidka Maalinta leh Taarikhda in Calanka SNM Anigu Saray Birta Saldhiiga Dhexe Burco .ki faqshtana Dhulka Soo Dhigay .
May 27, 2015 - Written by Editor:

Waxaan u Ducaynaynaa Dhammaan Mujaahidiintii ku shahiiday halgankii qiimaha lahaa ee dalkan lagu xoreyeey SNM. 27/31 MAY 1988 Iyo Dhammaan wadanka oo dhan Gobanimada Somaliland waxa lagu waraabiyey dhiig ,waxaa u le’day Geesiyaal, Waxaa u ogoomoobay ubad badan.

Bidhi-300x218(1)

waxa ay 27May ku xardhan tahay kuna Suntan tahay Taariikhda Somaliland, Iyadoo Geesiyaashii SNM oo ay tageerayaan dadweyanaha Burco ayey afka ciida u dareen nidaamkii cadaadiska iyo cabudhinta ku hayey shacaybka ,Cutubyo ka mida mujaahidiinta SNM ayaa ku waabariisteen guud Magaalada Burco.

Anigoo ahaa Xildhibaan Mubaarik Yuusuf (Bidhi) waxaan ahaa Mujaahidiintii ku biiray maalintaas jimcaha halganka SNM markaa iyadoo ay ka soo wareegtay sanadguuradii 27aad maanta 27May1988- 27/May2015 ayaan jeclaystay inaan idiin soo bandhigo Taarikhdii aan goobjooga ka ahaa Anigo marka hurdada ka toosay ayaan waxaan maqlay xabad meel fog ka dhacaysa waxay xabadi socotaba way soo dhawaatay dibada ayaan u soo baxay, waxaan dibada iyagoo taagan ugu imi Aabahay Marxuun Yuusuf Cilmi   iyo Dhamaan Mujaahidinti alle ha u naxriistee (Marxuun Yuusuf Cilmi) ku shahiiday Burco marki lagu jiray oo gacantayda ku aasay isaga mujaahid kale xaruntii gooncad Burco aan ku asay hog aanu qodnay aabahay iyo muhaahidkii kale.

Ciidankii SNM oo lugaynaya oo aan garanayo Qaar badan oo iskuul ahayn ka mid ahaa dhalinyardi 87 ku biray SNM ahaa iyagoo ku dhawaaqayey Kalmada Allaahu Akbar ee ay can ku ahayeen Mujaahidiinta SNM , dabadeed halkaas ayaan kala bilaabay waxay galeen saldhiga Burco oo aan naga fogeyn halkaas oo markiiba ay jebiyeen Store kii Hubka anigoo isla markiiba fulay Birtii calanku saarnaa dhulkana soo dhigay calankii faqashta ka dibna saaray Calnakii SNM ee Tawxiidka lahaa lana mid ahaa Calanka Somaliland iminka iyadoo halkaas dhaawac iga soo gaadhay fuulitaankii birta aan calanka SNM saaray.

Waxaan ahaa Mujaahidka Maalinta leh Taarikhda in Calanka SNM anigu saray birta Saldhiiga dheexe Burco .ki faqshtana dhulka soo dhiigay .

Waxan ka mid noqday Cidanki Boliska laga sameeyay Burco , Hadaba iyadoo ay badnayd Maalintaa Qiimaha lahayd 27May iyo 31 May Xusuusteeda oo maanta Sanadguuradeedii 27aad ka soo wareegtay 27/May/1988 Waxaan u Ducaynaynaa Dhammaan Mujaahidiintii ku shahiiday halgankii qiimaha lahaa ee dalkan lagu xoreyeey SNM. 27/31 MAY 1988 Iyo Dhammaan wadanka oo dhan Gobanimada Somaliland waxa lagu waraabiyey dhiig ,waxaa u le’day Geesiyaal, Waxaa u ogoomoobay ubad badan..27May 1988 ayaa dhashay 18 May 1991

Waxaan leyahay xuquuqda sawiirada Snm inta badan la isticmalo Magalada Burco oo malmaha an qaday anigu hadana an hayo sawirada originalki buugna an ka soo sari doono insha alla

Xildhibaan Mubaarik Yuusuf (Bidhi)

Burco/Somaliland

 

COMMENTS
LINKS