|
|||||
WAJAALE NEWS
Xukumadda Somaliland Oo Dib U Fasaxday In Qaxoontiga Soomaaliya U Dhashay Soo Galaan Berbera
May 30, 2015 - Written by Editor:Hargeysa(Wajaalenews)Wasiirka Dib u dejinta Somaliland Cali Siciid Raygal, ayaa ku dhawaaqay in dib loo fasaxay qaxoontiga u dhashay koonfurta Somalia kadib markii dhawaan xukumaddu mamnuucday qaxoontiga koonfurta u dhashay ee Somaliland soo gaadhaya.waxa uu sheegay in hadda laga bilaabo ay sidii caadiga ahayd u iman doonaan doonyaha iyo maraakiibta sida qaxoontiga Somalia. Wasiirka arrimaha gudaha oo ay weheliyaan wasiiro kale ayaa todobaadkii hore ku dhawaaqay inaan Somaliland qaabili doonin dadka u dhashay koonfurta Somalia ee ka soo cararaya dagaalka yemen. Waxa uu sheegay in hay’addaha ku shaqada leh qaxoontiga iyo wadamada caalamku diideen inay taakuleeyaan dadka islamarkaana Somaliland aanay u taag hayn. Haseyeeshee, Wasiir Cali Siciid Raygal ayaa sheegay in hay’adda qaxoontiga aduunka ee UNHCR iyo Hay’adda socdaalka dunidu soo gaadhsiiyeen qoraalo rasmi ah oo ay ku balan qaadeen inay dadkaasi taakulaynayaan islamarkaana kafaalo qaadayaan inay gaadhsiiyaan degaanada koonfureed ee ay u dhasheen. Xukumadda Somaliland ayaa lagu dhaliilay qaxoonti Soomaali ah oo loo diiday inay soo galaan dekedda Berbera muddo kooban. Muuqaal laga duubay dadkaasi ayaa muujinayay arxan darro kadib markii hooyooyin caruur wataa ku muusanaabeen inay badda isku tuurayaan haddii aan la dejin, waxaana arrintaasi ka soo horjeestay shacabka Somaliland oo khibrad u leh dhibaatada qaxoontiga
Related posts:DAAWO;Prof Axmed Ismaaciil Samatar Oo Lacture uu kaga Waramayo Xaalada Dhaqan dhaqaale iyo Siyaasada... DAAWO;-Sidee Loo Aasayaa Qofka Muslimka Ah Ee U Dhinta Xanuunka Coronavirus? Sheekh Maxamed Shibli. DAAWO;-Col Caare Oo Xukuumada Ku Wareejiyay Jabhadii Uu Hogaaminayay Iyo Fariinta Uu Udiray Nuux Taa... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|