Xoghayaha Arrimaha Dibadda Maraykanka Oo Shil Baaskiil Ku Dhaawacmay | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xoghayaha Arrimaha Dibadda Maraykanka Oo Shil Baaskiil Ku Dhaawacmay
May 31, 2015 - Written by Editor:

Hargeysa(Wajaalenews)- Xoghayaha arrimaha dibeda ee Maraykanka John Kerry ayaa isbitaal la dhigay kaddib markii uu galay shil isagoo kaxeynayey baskiil.

xogyaha usa

Waxa uu ku kaxeynayey baskiilka meel ku dhow buuraha Alps ee dalka Faransiiska.

Waxa loo duuliyey isbitaal ku yaala dalka Switzerland halkaas oo uu uga qeyb galayey kullanka ku saabsan barnaamijka niyuukliyarka ee Iraan.

Waxa lagu waday in uu u duulo Madrid si uu uga qeyb galo saxiixa heshiiskaasi maalinta isniinta ah.

Afhayeen u hadlay xoghayaha ayaa sheegay in xaaladiisu ay degantahay, una badantahay in uu ka dhaawacmay lugta.

 

COMMENTS
LINKS