Xoghayaha Arrimaha Dibadda Maraykanka Oo Muqdisho Ku Tagay Safar Saacado Qaatay | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xoghayaha Arrimaha Dibadda Maraykanka Oo Muqdisho Ku Tagay Safar Saacado Qaatay
May 5, 2015 - Written by Editor:

Muqdisho(Wajaalenews)-Xoghayaha arrimaha dibadda Maraykanka, John Kerry, ayaa saaka ka tagay maagalada Muqdisho ee Caasimada Somalia, halkaasi oo uu ku tagay bookhasho aan horay loo shaacin.

 

Socdaalka John Kerry, ayaa noqonaya xoghayihii u horeeyay ee Arrimaha dibada ee Somalia bookhda.

Xoghayaha Maraykanka ayaa garoonka diyaaraddaha ee Muqdisho kulan kula qaatay Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh iyo Ra’isal wasaare Cumar Cabdirashiid. waxa uu sidoo kale kulamo guud la qaatay madaxda Maamulada Somalia. waxay labada dhinac ka wada hadleen hirgalinta hiigsiga 2016-ka ee ah in Somalia doorasho ka dhacdo, la dagaalanka Argagixisada iyo in Somalia loo dhiso Ciidamo qaran.

John Kerry oo aan dhaafin Madaarka Muqdisho gudihiisa ayaa shir jaraa’id oo uu qabtay ka hor intaanu halkaasi ka dhoofin waxa uu ku sheegay in socdaalkiisa ay qayb ka tahay inuu indhihiisa ku soo arko xogaha diblamaasiyiinta Maraykanku Somalia uga keeenaan. waxa uu sheegay in la furi doono xaruntooda safaaradda ee Muqdisho.

John Kerry, ayaa haatan ka soo kicitimay dalka Kenya oo uu socdaalku jooga,isagoo horena u soo maray waddamo kale oo Africa ah. Waxaa la filayaa inuu sidoo kalena Jabuuti gaadho 6-da bishan.

 

COMMENTS
LINKS