Xaaladda Yemen Oo Laga Dayriyay iyo Markab Qaxoonti Sida Oo Berbera Ku Soo Wajahan | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xaaladda Yemen Oo Laga Dayriyay iyo Markab Qaxoonti Sida Oo Berbera Ku Soo Wajahan
May 1, 2015 - Written by Editor:

Berbera(Wajaalenews) Dekedda Berbera ee Xarunta Gobolka Saaxil, ayaa la filayaa inuu soo gaadho Markab sida Qaxoonti ka soo cararay dagaalada wali ka socda dalka Yemen. Hay’addaha qaabilsan arrimaha qaxoontiga iyo socdaalka oo kaashanaya Maamulka gobolka Saaxil ayaa u diyaar ah soo dhawaynta Qaxoontiga.

xaalada yemen

Mukhtaar Cabdi Jaamac , oo ah Sarkaal ka tirsan Hay’ad Denmark u qaabilsan Qaxoontiga ayaa BBC-da u sheegay in qaxoontiga ilaa hadda soo gaadhay Somaliland dhan yahay 1087 Qof. Waxa uu sheegay in dadkaasi oo u badan Caruur iyo haween badankoodu u dhasheen Somalia, Ethiopia, Somaliland iyo kuwo Yemen u dhashay. Qaxoontiga ayaa marka ay muddo saddex cisho ah ku nastaan Berbera loo kala diraa meelaha ay ku socdeen.

Dhinaca kale Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in howlgallada bini’aadamnimo ee dalka Yemen ay ku joogsan doonaan maalmo gudahood haddii aan dib loo soo celin sahayda shidaalka. Hay’adda ayaa sidoo kale waxa ay ka digaysaa in caafimaadka dalka, biyaha, nidaamka fayadhowrka iyo adeegyada isgaadhsiinta ay qarka u saaran yihiin inay burburaan.

Shidaal yarida ayaa sii murginaysa qaybinta gargaarka sida aadka ah loogu baahan yahay. In dib dib loo soo celiyo mooyee Mr. Ban wuxuu sheegay in ay tani uga sii dari doonto xaaladda bani’aadminimo ee heerka masiibada ah taagnayd.

Dagaallada oo sii kululaanaya ayaa xannibay in Shidaal la helo.Waxay sidoo kale ciriiri galiyeen cunnada, adeegyada caafimaadka, iyo ayadoo adeegyo muhiim ahna ay burbureen.

Khamiistii ayaa isbitaalka ugu weyn ee ku yaalla Cadan waxaa soo gaaray dhaawac weyn, shirkadda biyaha iyo fayadhowrka ee gobolka Cadan biyaha siisana waxay sheegtay inaysan awoodin inay shaqayso duqaymo culus dartood.

Garoomada diyaaradaha oo dhan ayaa xidhan. Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay wuxuu mar kale carrabka ku adkeeyay baahida loo qabo xabbad joojin.

 

COMMENTS
LINKS