Wikileaks Oo faafiyey Xogo Sirdoonka Maraykanku ka Ururiyeen Mawqifkii Madaxweyne Siilaanyo iyo Guddoomiye Faysal ka Qabeen muddo-kordhin Guurtidu u Samayso Md. Rayaale | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wikileaks Oo faafiyey Xogo Sirdoonka Maraykanku ka Ururiyeen Mawqifkii Madaxweyne Siilaanyo iyo Guddoomiye Faysal ka Qabeen muddo-kordhin Guurtidu u Samayso Md. Rayaale
May 10, 2015 - Written by Editor:

Nairobi, (Wajaalenews) Xogo Sirdoonka Maraykanka laga helay oo Shabakada Wikileaks faafisay, ayaa lagu sheegay in Guddoomiyeyaasha Xisbiyadii KULMIYE Axmed Maxamed Siilanyo iyo UCID Faysal Cali Waraabe ka codsadeen beesha caalamka inay culays ku saarto Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin inaanu oggolaan go’aan Golaha Guurtidu ugu kordhinayso wakhtiga Xukuumaddiisa muddo sannad ah.

AXMED-SIILAANYO-IYO-FAYSAL-CALI-WARAABE-

Xogahan oo Sirdoonka Maraykanku u diray 24 September, 2009, Hay’adda Sirdoonka CIA, Taliska Ciidammada Maraykanka Afrika, Hay’adda Ammaanka Qaranka, Xoghayaha Arrimaha Dibedda Maraykanka, ayaa lagu sheegay in Mr. Axmed Siilanyo iyo Mr. Faysal Cali Waraabe ku eedeeyeen Xukuumadda Daahir Rayaale Kaahin wakhtigaas inay diiday saxeexidda qodobbadii is-afgaradka beesha caalamku u soo jeedisay, isla markaana muddo-kordhin sannad ah oo Golaha Guurtidu u sameeyo abuuri doonto rabshado saameeya dalka.

Shabakadda Wikileaks xogtan ay qortay, ayaa lagu sheegay in Guddoomiyeyaasha Xisbiyada Kulmiye, Ucid iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka caddeeyeen in Guurtidu muddo sannad ah u kordhin doonto Xukuumadda, loona baahan yahay in beesha caalamku culays ku saarto joojinta tallaabadaa Madaxweyne Rayaale waday wakhtigaas.

Wada-xaajood khadka Taleefanka Saraakiil Maraykan ahi kula yeesheen, ayaa lagu sheegay in labada hoggaamiye ee Xisbiyada UCID iyo KULMIYE markaa ka dhawaajiyeen mawqifka Xisbiyadooda ee ku saabsan tanaasul ay u sameeyaan Xisbul-xaakinkii UDUB, oo la xidhiidha in muddo kooban loo kordhiyo muddo-xileedka Xukuumadda Rayaale iyo ka qeybgelinta Xisbiyada Mucaaradka dhismaha Xukuumadda ku-meel-gaadh ah.

Hase-yeeshee, sida xogtan lagu sheegay waxay ku doodeen Guddoomiyeyaashii Mucaaradka ee wakhtigaas waa Siilaanyo iyo Faysal e’, in loo baahan yahay cadaadis beesha caalamku ku saarto Madaxweyne Rayaale inaanu go’aan keligii ah Guurtida oo Xukuumaddiisa taageersani ugu kordhin muddo-xileedkiisa, taasoo badbaado u noqon karta inaan nidaamka dimqraadiyadda Somaliland fashilmin.

COMMENTS
LINKS