Way-naynta Maalinta Qaranimada iyo Madaxbanaanida Jamhuuriyada Somaliland Hada Kahor Sidii Loo Xusi jiray iyo Maanta Sida Loo Qiimeeyo. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Way-naynta Maalinta Qaranimada iyo Madaxbanaanida Jamhuuriyada Somaliland Hada Kahor Sidii Loo Xusi jiray iyo Maanta Sida Loo Qiimeeyo.
May 26, 2015 - Written by Editor:

Maalinta qaraniimada Somaliland ama Gooni isku taaga iyo madax banaanideeda ay dib ula soo noqotay Ee 18 May 1991,kii Isla markaana Lagu dhawaaqay in Somaliland ay Ka tashatay Masiirka iyo aayaheeda Mustaqbalka shacabka, Oo ay Waxii Hore loogu magacaabi jiray Riyadii Shantii SomaliyaRajadeediina dhamaatay Somaliland iyo umadeeduba waxay si nihaayad ah amintaa u Go,aansadeen inay Ka gaar Noqdaan Shaxdii ama riyadii ma dhamaatada ahayd Ee Somaliweyn taasoo la fahmay isla markaana la arkay cawaaqibkeedii waxii ay dhashay ee Dhib, iyo Dulmi kazoo gaadhay Shacabka Somaliland.

Hadaba Xuska maalinta qaran Ee Somaliland 18,may tan iyo markii Lagu dhawaaqay ama Loo asteeyay inay tahay maalin qaran Oonu gaar ah Shacuurta dhismaha  dawladniimo Ee Somaliland 1991 ilaa iyo Hada Sanadwalba waxaa Loo xusi jiray inay maalin qaran 18 may isla markaana la muujiyo maalintaa qaaliga ah wadaniyad iyo In Somaliland ay taya wadan gaar ah Oo aayahiisa ka tashaday Sida dalalka Kale Ee caalamkuba ay u leeyahii maalin ay ku astaysan tahay qaranimadooda iyo markii ay noqdeen qaramo jira Oo xor ah.

Maalinta 18,ka may tan iyo 1991,kii Dawladahii isaga danbeeyay Hogaanka dalka JSL Waxaa ay xusi jireen maalinta qaran iyadoo dadku ay ku muujin jireen shacuurta wadani-niimo iyo helitaanka xoriyada shacabka, marka taariiikhda dib loo milicsadana waxaa aad ogaanaysaa Xuska maalinta 18, may Ee waqtiyadii hore iyo kan manta inay Farqi aad u wayni u dhaxeeyo marba marka kaadanbaysana ama sanadba sanadkii waxaa sii kordhaaya sida loo xuso maalinta qaran 18,may isla markaana loowayneeyo qadiyada Gooni isku taaga iyo goosashada masiirka iyo aayaha ummada reer Somaliland.

Waxaa hubaal ah lagana dharagsan yahayIyadoo sanad walba la xuso Munaasibada qaaliga ku ah Shacabka reer Somaliland Ee 18 may in markii ay xukuumada Mujaahid Madaxweyne Axmed   Maxamed Maxamuud Siilaanyo ay talada dalka kala wareegta Dawladii hore Ee Daahir Riyaale Kaahin Inay gabi ahaanba is badashay muuqaalkii Hore ay u lahaan jirta Xusaska 18 may Iyadoo dadka reer Somaliland’na ay Si culus kana Mug iyo miisaan wayn siidoo hore ay ugu Soo baxaan Xuska loo asteeyay maalinta qaran Ee Jamhuuriyada Somaliland 18 may Iyada Oo Dhamaanba Magaalooyinka waawayn Ee Somaliland Degmooyinka Tuulooyinka iyo Daafaha shanta qaaradood ee Aduunkaba imaka Laga xusom lagana Dareemo maalinta qaraniimada Somaliland Ee 18 may Taasona waxaa lo odhan karaa inay Kadanbaysay waynayn maalinta iyo inm Shacabka lagu baraarujiyo inay si culus u muujiyaan Madaxbaanidooda Dawlada uu Talada  iyo Hogaanka u hayo Madaxweyne Axmed Siilaanyo.

Dabaal dagyada Xuska munaasibada 18’ka may Haatana waxaa ay Ka dhacdaan wadamada jaarka ah iyo Dhamaanba aduunka Oo dhan marka laga yimaado Gudaha Somaliland iyadoo Munaasibadaasi lagu soo  bandhiggo Cududa iyo Dhaamaanba Astaamaha uu qaran jiraa leeyahay Oo dhan waxaana sib balaadhan uga qaybqaata xuska maalinta 18’ka may Dhamaanba shacbiga Jamhuuriyada Somaliland meelkasta Oo ay kaga Noolyihiin caalamka daafahiisa  arintanina waa mud soo jiidanaysa dhamaanba Aduunka Oo dhan isla markaana Looga marag kacaayo inay Somaliland tahay qaran jira Oo iska leh Xuduudo suga iyo calan isla markaana aan la ag dhigi Karin cid kale Oo isku soo dhajisa.

Xuska 18ka may wacdaraha iyo Bandhiga  lagu qabto caasimada Hargeysa Ee Somaliland ayaa inbadan waxaa ay soo jiidataa arintaasi indhaha caalamka Taasoo ay ugu qushuuceen inay Dawlad jirta Somaliland tahay Oo aan la garab dhigi Karin cid kale Xuska 18ka may haatan waxaa laga daawadaa aduunka Oo dhan indha caalamkuna waxaa ay milicsanayaan sanadba sanadka ka danbeeya Horumarka, dhaqaalaha, Nabadgelyada Dimuqraadiyada iyo Heerka isku filaanshada ah Somaliland  kor ugu sii talaab sanayso taasina waa mid lagu farxo isla markaana Soo jiidanaysa cidkasta Oo jecel Somaliland walaaltiniimaddeda iyo wada shaqaynteeda kana nixinaysa dhammaanba cadawag Somaliland Ee ka xumaada jiritaankeeda iska markaana ay dhirbaaxo ku tahay.

Wacdaraha maalinta 18,ka may waxaa uu sii noqonayaa sanadba sanadka ka danbeeya mid kasii balaadhan kana sii farxad iyo isku soo bixitaan badan waxaana mahad oo dhan allahii Somaliland siiyay Sharaftaa iyo karaamada shacabkedana ka dhigay mid is kecel Oo midaysan

Axmed Naasir
ahmed.naasiir@gmail.com

COMMENTS
LINKS