|
|||||
WAJAALE NEWS
Wasiirka Maaliyada Iyo Gudoomiyaha Baanka Oo Ku Fashilmay Xakamaynta Hoos U Dhaca Qiimaha Shiling S/land,
May 19, 2015 - Written by Editor:HARGAYSA (Wajaalenews) Iyadoo maalinba maalinta ka danbaysa hoos u dhaca qiimaha lacagta Sh.S/L uu xawaare aad u sareeya ku socdo waxaa la tilmaamaa in hoos udhaca Qimaha Shilinka Somaliland in uu bilaabmay Sanadkii 2011 kadib markii Xukuumada Madaxwayne Siilaanyo soo daabacatay noodhadh Lacag cusuba oo 5000 Sh,S/L 1000Sh,S/L iyadoo ilaa Sanadkaa Lacagta Shillingka Somaliland qiimaheedu hoos ugu sii dhacayay si qunyar qunyara inkasta oo laga dareemayay nolosha dadka Mushaharooyinka ku qaata Shilinka S/Land. Hadaba bilowgii Sanadkan oo la badalay Masuuliyiintii hore ee Wasaarada Maaliyada iyo Gudoomiyaha Baanka waxaa hubaala oo aan la dafiri karin in uu xakamaha goostay xawaare aad u sareeyana uu ku socdo hoos u dhaca Qiimaha Shillinka Somaliland iyadoo ay marag madoon tahay in uu dalku ku jiro Jahawareer Dhaqaale , Masuuliyiinta cusub ee loo magacaabay Wasaarada Maaliyada Marwo Samsam Cabdi Aadan iyo Gudoomiyaha Baanka ayaa gabi ahaanba ku fashilmay xakamaynta hoos u dhaca ku yimid Qiimaha Shillilnka Somaliland iyadoo Boqolka 100$ lagu kala sarifanayo 780,000Sh S/L ilaa 790,000Sh S/L halka ay Xilka Wasaarada Maaliyada kula wareegtay uu marayay Boqolka doolar 740,000 Shilinka S/land Sidoo kale nolosha Danyarta Ganacsatada yar yar Beeralayda Xoola Dhaqatada, Muruqmaalka iyo guud ahaan Shaqaalaha kala duwan ee Ciidamada Dalka. oo dhamaantood Lacagta Shillinka Somaliland Mushaharooyinka ku qaata. Dhanka kale Bulshowaynta Danyarta ee aanay soo galin Lacagaha Qalaad ee adag ayaa adeeg kasta oo ay u baahan yihiin loogu qiimeeyaa Lacagta adag ee Doollarka Wasiirka Maaliyada Marwo Samsam iyo Gudoomiyaha Baanka dhexe ayaa dusha ku qaadanaya Masuuliyada hoos udhaca Qiimaha Shillinka Somaliland iyagoo hore ugu fashilmay hindise ama fikiro indha sarcaad iyo dhalanteeda oo bulshada hore loo maqashiiyay imika iyo haatana ay bulshadu fahantay Filimkii ay Jilayeen Wasiirka Maaliyada iyo Gudoomiyaha Baanka kadib marki ay ku fashilmeen xakamaynta hoos u dhaca Shilingka Somaliland Ugu danbayn waxaa Madaxwayne Siilaanyo khudbadii Munaasibadii 24aad ee lasoo noqoshada Qaranimada Somaliland ee 18may kaga hadal hoos udhaca Qiimaha Shilinka Somaliland iydoo tusaale loogu soo qaadan karo warla,aanta aanu Madaxwayne Siilaanyo ka war haynin dhibaatooyinka dhaqaale ee hoos udhaca qiimaha Shillinka Somaliland sobobay iyo saamaynta ay ku yeelanayso bulshada Somaliland. WAJAALENEWS DESK HARGAYSA SOMALILAND EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|