Wasiirka Arrimaha Dibedda oo Kulamo Muhiim la yeeshay Xubno ka tirsan Baarlamaanka Norway, Geneva Kulan kula Qaatay Madaxa Africa ee Hayada Qoxootiga u Qaabilsan Jimciyada Quruumaha | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wasiirka Arrimaha Dibedda oo Kulamo Muhiim la yeeshay Xubno ka tirsan Baarlamaanka Norway, Geneva Kulan kula Qaatay Madaxa Africa ee Hayada Qoxootiga u Qaabilsan Jimciyada Quruumaha
May 2, 2015 - Written by Editor:

GENEVA(Wajaalenews) Wasiir Arimaha dibada iyo iskaashiga caalamiga ah Maxamed Biixi Yonis iyo Wakiilka Somaliland u fadhiya dalkaasi Norway, Mr. Sulub Hussain ayaa kulamo la yeeshay xubno ka mid ah Baarlamaanka wadankaasi oo ay ka mid ahaayeen Hekki Holmas iyo Slyvi Graham (sawrka koowaad ee lifaaqa). Sidoo kule intuu Wasiir Bixi joogay magaalada Oslo oo uu hore ugula kulmay Wasiir ku xigeenka Arrimaha Dibedda ayaa waxa kulamadiisii ugu danbeeyay ka mid ahaa kulan uu la yeeshay musharaxa Mayorka magaalada Norway Mr. Johansen (Sawrka Labaad). Mudane Wasiir Yonis ayaa kala hadlay masuuliyiinta uu la kulmay xoojinta xidhiidhka ka dhexeeya Baarlamaanada Somaliland iyo Norway, taageerada dhaqaale ee horumarka Somaliland, iyo sidii loo heli lahaa ganacsi dhex mara labada dal.

FullSizeRender(1)

Wasiir Yonis ayaa u gudbay magaalada Geneva ee dalka Switzerland halkaasi oo uu kulan kula qaatay masuuliyiin sare oo ka tirsan haayada jimciyada Quruumaha u dhaxaysa u qaabilsan qaxootiga ee magaceeda loo soo gaabiye UNHCR oo ay ka mid yihiin Mr. Valentin Tapsoba, Agaasimaha Africa iyo tiimkiisa (Sawrka sadexaad). Wasiir Yonis ayaa kala hadlay UNHCRS Mashaakilaadka Yemen iyo Saamaynta Qaxootiga Yemen ay ku leedahay Somaliland, mashaakilaadka barakacayaasha iyo Qaxoontiga ku sugan Somaliland sidii loo kordhin lahaa taageerada la siiyo iyo waliba in la balaadhiya hawlgalada UNHCR ee Somaliland.

COMMENTS
LINKS