Wasiirka Arrimaha Dibadda Waddanka Qatar Oo Muqdisho Soo Gaadhay Iyo Ammaanka Oo Si Weyn Loo Adkeeyey. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wasiirka Arrimaha Dibadda Waddanka Qatar Oo Muqdisho Soo Gaadhay Iyo Ammaanka Oo Si Weyn Loo Adkeeyey.
May 22, 2015 - Written by Wariye:

qatarMuqdisho(Wajaalenews):-Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Somalia, waxa Goor dhaweyd soo gaadhay Wafti ballaadhan oo uu Horkacayo Wasiirka Arrimaha Dibadda Waddanka Qatar Khalid bin Mohammad Al Attiyah.

farecCabdisalaan Hadliye Cumar, Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliya, ayaa wefdiga Wasiirka Arrimaha Dibadda Qatar ku soo dhaweeyay Garoonka Aadan Cadde.

Wefdiga, ayaa waxaa loo soo galbiyay Aqalka Madaxtooyada ee Villa Somalia, halkaasoo lagu wado inay ku kulmaan Madaxda Dowladda Federalka.

Wararka waxay intaa ku darayaan in labada dhinac ay ka wada hadli doonaan arrimo iskaashi, xilli Dowladda Qatar ay mashaariic ka wado Magaalada Muqdisho iyo Gobolada Shabeellooyinka.

Shir jaraa’id, ayaa la fillayaa in labada garab ay ku faah faahiyan waxyaabaha, ay kaga wada hadlayaan kulanka ay ku lee yihiin Madaxtooyada Muqdisho.

Arrinta xiisaha leh, ayaa waxay tahay, iyadoo amniga wefdiga Wasiirka lagu wareejiyay Ciidamada Somaliya. Ciidanka Amisom ayaan qayb ka ahayn suggida amniga wefdigaasi.

Ammaanka Magaalada Muqdisho, ayaa si weyn loo adkaayay, waxaana wadooyinka ugu muhiimsan Caasimadda lagu arkayaa Ciidamada Booliska, Nabad Suggida iyo Militariga Somaliya.

Hargeisa Office
Wajaalenews.net
Wariye: Abdiqadir Habane

COMMENTS
LINKS