|
|||||
WAJAALE NEWS
Wasiirada Arimaha Dibada ,Maaliyada Iyo Gudoomiyaha Xusbiga Kulmiye Oo ku Hawlan Sidii ay u Hor Istaagi Lahaayeen Xeer no 23 Ee Golaha Wakiiladu Wax Kabadla Ku Samaynayan iyo Dareenada ku xeeran.
May 17, 2015 - Written by Editor:HARGAYSA(Wajaalenews) Iyadoo la filayo in maalmaha soo socda golaha wakiilada somaliland ay wax ka badal iyo kaabis ku sameeyaan xeerno23 islamarkaana hoos u dhigaan tirada xildhibaanada golayaasha deegaanka ee xilka ka qaadi karta maayarada dalka, Ilo xogagaala ayaa daaha ka fayday in xubnaha ugu firfircoon ee ay maayar ‘sooltelko’ isku haybta yihiin dadaal ugu jiraan sidii aan xeerkaasi goluhu waxba badal kusamaynin lona hakin lahaa Habada xubnahan ayaa waxaa hormood ka ah gudomiyaha xusbiga kulmiye Muuse Biixi Cabdi wasiirka arimaha dibada Maxamed Biixi Yoonis wasiirada maaliyada Samsam Cabdi aadan dhamaan masuuliyiinta ayaa labadii habeen u danbeeyay olole ugu jiray sidii xeerkaasi loo hakin lahaa Waxa kale oo wararku intaa ku dareen In arintani ay ku kaliftay sidii ay kursiga ugu sii hayn lahaayeen maayarka caasimada oo isagu sas ka qaday waxkabadal xeerno23 taasi oo sobobtay in aanu maalmihi udanbeeyay ka nasan ololaha uu ku raadinayo hakinta xeerkan Masuuliyiinta ayaa waxay kaabaynka joojinta xeerka u adeegsanyaan hatidii qaran taasi hoos u dhac labaad ku keeni karta wasaarada maaliyada iyo guud ahaan qasnada dawlada oo iyadu xiligan ay saamaysay hantidii loo isticmaalay mudo kordhinta, Dhanka kale wararka aanu ka helay golaha wakiilada ayaa la sheegayaan in ay goluhu galayo fasax mudo laba bilood ah COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|