Wasaaradda Maaliyadda iyo Baanka Dhexe oo Uga sii daray Sixirka Sarifka Lacagaha Qalaad | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wasaaradda Maaliyadda iyo Baanka Dhexe oo Uga sii daray Sixirka Sarifka Lacagaha Qalaad
May 14, 2015 - Written by Editor:

Dollarkii oo Suuqa Laga La’yahay iyo Ganacsatadii oo xarraysatay

Hargeysa(Wajaalenews) Qiimaha Sarriifka Dolarka ayaa cirka isku sii shareeray kadib markii ay wasaaradda Maaliyadda iyo Baanka Dhexe qaadeen talaabooyin aan si qoto-dheer looga baaraan dagin kuwaas oo xaaladii doolarka gayeysiisay in xataa a waayo meel lagu kala sarrifanayo.

sixir-bararka

qiimaha boqolka Doolarka ayaa marayey maalmihii ugu danbeeyey toddoba boqol iyo sagaashan kun, halka markii ay wasaaradda Maaliyadda iyo Baanka Dhexe go’aamada ka soo saareen shirkadaha isticmaala Adeega Elektarooniga ah iyo Sarriflayaasha todoba boqol iyo konton kun.

talaabadii ay qaadeen wasaaradda Maaliyadda iyo Baanka Dhexe waxay sababeen in ay suuq madow galiyaan sarrifkii doolarka ee awal hore sida tooska ah suuqa loogu kala sarrifan jiray, waxaana adag inaad hesho sarrifle kaa qaata lacagta somaliland ee Dollarka lagu doonayo, kadib markii ay ganacsatadii lacagta adag ee Doolarka haysatay ay hakisay inay sarrifto.

wali wax faa’iido ah oo ka soo baxay ma jirto war-saxaafadeedkii ay wadajirka u qabteen masuuliyiinta Baanka iyo Maaliyaddu, taas bedelkeedana waxa soo baxay in aanu jirin xal iyo dariiq laga shaqeeyey oo ay xukuumaddu ku samaysay daraasad xakamayn karta xaaladan ka sii daraysa

shirkaddaha Isgaadhsiinta ayaan wali ku dhaqaaqin in ay shilling somalilandka ku isticmaalaan adeegooda, halka bulshada iyo dadka dhaqaalaha odorosaana ay qabaan in aanu fikirka xukuumaddu ka qabto adeegyadaasi samayn karin xal hoos u dhigi kara Doolarka

sababaha sii kabay in Dolarku cidhiidhi galo waxa ka mid ah dhaqaalihii dalka ka soo gali jiray xoolaha iyo badeecaha la geeyo Dalka Yeman oo ay hakiyeen dagaaladda sii daba-dheeraanaya ee ka socda mandaqada, kuwaasoo cabsi ku si abuuray ganacsatada sarrifka ka shaqaysan jirtay, oo aaminsan dagaalkaasi in uu saamayn ku sii yeelan doono lacagaha adag ee Dalka.

si kasta ha ahaatee, wasaaradda Maaliyadda iyo Baanka ayaan wali dhayin ama aan taaban boogta keenaysa in Dollarka iyo sarrifka lacagaha qalaad hoos u dhacaan ama ay qiimo u yeelaan shilling ka somaliland.

 

XIGASHO WAHEEN

COMMENTS
LINKS