Wariye Soomaaliyeed Oo Meydkiisa Laga Helay Xeebaha Wadanka Masar | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wariye Soomaaliyeed Oo Meydkiisa Laga Helay Xeebaha Wadanka Masar
May 15, 2015 - Written by Editor:

Qahira:(Wajaalenews)-Wariye Soomaaliyeed oo lagu Magacaabi jirey Cabdicasiis Al-caddaala, kana Hawlgelayey Tv-ga Royal, ayaa Meydkiisa Laga Helay Xeebaha Waddanka Masaarida.

qaahira

Wariyahan, ayaa la sheegay inuu dhintay Kadib Markii ay qallibantay Doonni uu doonayey inuu ku Tahriibaa, waxana la geeriyooday Laba qof oo kale oo Suudaaniyiin u ahaa..

Mas’uuliyiinta safaaradda Soomaaliya ee dalka Masar ayaa xukuumadda dalka Masar ka codsatay in lagu soo wareejiyo meydka weriyaha geeriyooday si jaaliyada Soomaalida ah ee halkaasi ku nool si ay aas ugu sameeyaan.

Dhinaca kale laammaha ammaanka ee dalka Masar ayaa xabsiga ku taxaabay 120 qof oo Soomaali ah, kuwaasoo la sheegay in ay damacsanaayeen in ay ka tahriibaan dalka Masar.

 

 

 

 

 

COMMENTS
LINKS