War Deg Deg Ah: Qaar Ka Mid Ah Masuuliyiinta Xisbiga WADDANI Oo La Xidhay | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
War Deg Deg Ah: Qaar Ka Mid Ah Masuuliyiinta Xisbiga WADDANI Oo La Xidhay
May 10, 2015 - Written by Editor:

HARGAYSA(Wajaalenews)Ciidamada gaar u tababaran ee loo yaqaan RRU ayaa guryahood kasoo qabqabtay inta la ogyahay saddex masuul oo  ka tirsan Xisbiga WADDANI, saddexdan masuul ee jeelka loo taxaabay ayaa waxay kala yihiin Deeq Xirsi Canbuur oo hore u ahaan jiray xoghayihii dawladda hoose imikana ka tirsan masuuliyiinta ugu sarsaraysa Xisbiga WADDANI iyo Mujaahid Cabdiraxmaan Maxamuud Rooble (Cabdi Six) oo isna katirsan masuuliyiinta Xisbiga WADDANI iyo Marwo Maryan Maxamuud Dirir oo ah xoghayaha garabka haweenka heer qaran ee Xisbiga WADDANI.

Ciidanka soo xidhxidhay masuuliyiinta oo watay ciidan farobadan iyo baabuur tigniko ah ayaa sidoo kale waxay gaadh ka qabteen guryaha masuuliyiin kale oo ka tirsan Xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI, kuwaas oo aan wali joogin guryahooda sida ay noo xaqiijiyeen dad ka agdhow ciidanka RRU-da.

Talaabad kalitalisnimada ah ee ay ku kacday xukuumadda Somaliland ayaa loo malaynayaa inay tahay sidii xukuumaddu uga hortagi lahayd mawjadaha dadka ah ee barri ku ballamay inay isugu soo baxaan wadooyinka waaweyn ee gobolada dalka oo dhan.

 

 

 

COMMENTS
LINKS