18 Ka May Oo Siwayn Looga Xusay Dalka Iyo Madaxwaynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siraanyo) Oo Khudbad Ka Jeediayay Fagaraha Xuska 18 My Ee Saaka. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
18 Ka May Oo Siwayn Looga Xusay Dalka Iyo Madaxwaynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siraanyo) Oo Khudbad Ka Jeediayay Fagaraha Xuska 18 My Ee Saaka.
May 18, 2015 - Written by Wariye:

18may 11Hargeisa (Wajaalenews):- madaxwaynaha jamuuriyada somaliland axmed maxamed maxamuud siraanyo ayaa xuska 18 may  ka warbixiyay  waxyabahii u qabsoomaya mudadii ay xilka haysay isagoona sheegay inay mashaarico farabadan ay fuliyeen dalka sida wadooyinka wajaale iyo kala baydh isku xidha wadada dila boorama Berbera iyo Hargeisa sidoo kalena bariga waxaa laga badalay lacgtii hore hatana waxa lagu isticmalaa shilinka Somaliland madaarada dalka wax wayna ayaa laga qabtay ku waasi oo ay manta u dhamaystiran amaan ahaan iyo adeeg ahaan wixii heer calamiya ahaa ee loga bahnaa.

Sidoo kale dakada Berbera oo kalin wayn kaga jirta dhaqalaha dalka ayaanu intii awoodayada ah wax ku kordhinay waxaanu dadaal wayn ugu jirnaa sidii ay u noqon lahayd mid la tartanta dakadaha caalamka dhamaan xarumaha wasaradaha ayaa laga fuliyay dhismayaal casriya oo badalay kuwii ay ku jireen special  ku waasi oo intooda badan ay ahaayeen kuwii ingiriiska laga dhaxlay kontan sano ka hor waxanay haatan yihiin kuwa u qalma magaca ay xambaarsan yihiin iyo adeega ay u qabtaan bulshada waxaa la kordhiyay tirade shaqallaha oo la gaadhsiiyay in ka badan labatan kun waxaa kale oo suuto gashay inay dalka yimadan oo ay ka hawlgalaan shirkado caalamiya sida kuwa shidaal badhista iyo macdamaha dhinaca kale arimaha bulshada sida caafimaadka tobobarida dhalin yarada iyo kuwa kale oo badan ayaa horumar laga sameeyay

Tayda waxbarashada ayaa kor loo qaaday iyada oo ta aasasiya ah laga dhigay bilaash looguna danaynayo daryarta iyo xaqa muwaadinka biyaha oo baahida koowaad ee dalkeenu leeyahay ah waxaanu siinay muhiimada wayn waxaanu hirgalinay qodista ceelal way loogu baahi baxo waxaanu awoodnay inuu dalku yeesho idacad wayn oo laga dhaysan karo wadanka gudihiisa iyo dibadiisa oo dhan waxa kale oo la sameeyay idacad u gaara qur,aanka kariimka ah.

Mudadii ay xukuumadani jirtay waxa meesha ka baxay khilafadkii ka jiray golayaasha dawlada kaasi oo ka darsay inay soo baxaan shuruuc iyo xeerar badan oo baahi loo qabay

Doorashooyinka waxaan xoog badan saaray inay doorashooyinku ku dhacaan xiligii loo asteeyay mana jiro waxaanu hagranay haba yaratee maamulkaygu tona kuma faraxsani inay doorashooyinka mudadii ay dib uga dhaceen mana jacli hada iyo tona turaturooyinka ku yimaada nidaamka dimiquradiyada waxase dhacda inay ku imadan hawlo kala duwan.

 

Hargeisa Office

Wajaalenews.net

Wariye Abdiqadir Abdirahman Habane

COMMENTS
LINKS