Talo Soo jeedin Arin Ku Saabsan Ictiraafka Somaliland | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Talo Soo jeedin Arin Ku Saabsan Ictiraafka Somaliland
May 19, 2015 - Written by Editor:

Anigoo ah Eng Daauud Abiib Ahmed Musharixiinta golaha wakiilada ee gobolka maroodi jeex doorashadan soo socota ,

Waxaan salaam kal iyo lab ah u diriyaaa gudoomiyaha xisbiga UKIP iyo wakiilka Somaliland ee dalka ingiriiska, waxaan dawladeena u soo jeedinaaya in taageero buuxda siiyo xusbiga barwaaqo sooraanka ee dalka UK (united independence part),kaas oo dhawaan u soo jeediyaya beesha caalka in la aqoonsado Somaliland,taas oo ay daba socotay aqoonsiyadii ay u fidiyeen somnaliland CARTDIF iyo SHIFILT ee golaayasha deegaan ka UK, waxay mudan yihiin in madaxdaas kale duwan lagu casuumo dalka Somaliland,taas oo hoosta ka xariiqaysa xidhiidhkii soo jireenka ahaa ee u dhexeeyay labada dal(SOMALILAND PROTECTORATE iyo UNITED KINGDOM).

Waxaan u soo jeedinaaya xukumadeena in wax kasta oo soo dadajinkara aqoonsi ay dhago u yeelato iyo fiira gaar ah

Waxaan hambalyo u dirayaa safiirka somalialnd u fadhiya dalka UK Ali Adem Awale

Waxaa kale oo hambalyo u diraaya gudoomiya xisbiga UKIP MR NIGEL FARAGE qoraal uu shalay ku cadeeyay wergeeska in xisbigiisu aqoonsan yahay in somalialnd wadan nabad galyo buuxda haysta kuna dhaqma hanaanka dumiqiriyadeed iyo ku dhaqanka sharciga. Isagoo hoosta ka xariiqay in la gaadhay xiligii Somaliland lagu abaalm marin lahaaa xasiloonida iyo dumiqiraadiyada ka hirgashay, Somaliland waa jasiirad xasilan oo ku dhextaal badwayn colaad ah.tiiyoo sidaas tahaay waxaa ka jira somalialnd nabad galyo buuxda iyo hanaan dumiqiraadiyaydeed,waxaayna tahaya wadanka isku maamula ku dhaqanka sharciga oo ku yaal mandaqada geeska Africa muddo 24 sannadood ah, waxaana la gaadhay xiligi boqortooyada UK iyo beesha caalamkuba aqoonsi u fidinlaahayeen qadiyada madax banaanida Somaliland

Hadaba waxaan u sheegayaa dawladeena ama kula talin laaha in sida xalku ku jiro ay Somaliland u socoto.

Iyadoo eegaysa dhinacyo faro badan sida : wada tashi loo dhanyahaay,maxaa Somaliland dan u ah se maxaan u danhayan waa haw inoo taal dhamaanteen dhankiina se yay ka ceerin

Eng Daauud Ahmed Musharax golaha wakiilada ee maroodi jeex.

Good lacky

 

COMMENTS
LINKS