Tababare Carlo Ancelotti Oo Magacaabay 19 Ciyaartoy U Kulanka Ay Los Blancos Martida Unoqon Doonto Espanyol Iyo Sergio Ramos Oo Dhaawac Ku Maqan | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Tababare Carlo Ancelotti Oo Magacaabay 19 Ciyaartoy U Kulanka Ay Los Blancos Martida Unoqon Doonto Espanyol Iyo Sergio Ramos Oo Dhaawac Ku Maqan
May 16, 2015 - Written by Editor:

HARGAYSA(Wajaalenews) Tababaraha kooxda Real Madrid ee Carlo Ancelotti ayaa soo saaray liiska ciyaartoydiisa oo 19 ciyaartoy ka kooban, waxaana liiska ciyaartoyda uu Ancelotti la tagi doono kulanka axada ee ay Madrid booqan doonto kooxda Espanyol.

kooxda reil

Difaaca dhexe ee Sergio Ramos oo uu dhaawac ka soo gaadhay kulankii lugta labaad ee Champions Leaque-ga ayaa kooxda Madrid dhaawac kaga maqan, wuxuuna Ancelotti difaaca u magacaabay Varane, Pepe, Coentrão, Marcelo, Carvajal iyo Nacho.

Sidoo kale Ancelotti ayaa khadkiisa dhexe u soo doortay ciyaartoydii uu heli karayay oo dhan, waxaana liiska kuwada jira : Kroos, James, Bale, Lucas Silva, Isco iyo Illarra. Halkan weerarka ay ku jiraan Cristiano Ronaldo, Benzema, Chicharito iyo Jesé.

Waxaan guul ahayn oo ay Real Madrid kala kulanto Espanyol ayaa koobka horyaalka ee xili ciyaareedkan uga gacan galin karta Barcelona iyada oo aanla eegin natiijada ay Barcelona kala kulmi doonto Atletico Madrid.Halkan hoose kaga boqog ciyaartoyda uu Ancelotti soo doortay oo dhamaystiran

Goolhayayaasha: Casillas, Keylor Navas iyo Pacheco.

Difaaca: Varane, Pepe, Coentrão, Marcelo, Carvajal y Nacho.

Khadka dhexe: Kroos, James, Bale, Lucas Silva, Isco e Illarra.

Weerarka: Cristiano Ronaldo, Benzema, Chicharito y Jesé

DIYAARIYE XAMSE JIRDE

HARGAYSA SOMALILAND

 

COMMENTS
LINKS