Somaliland Waxa ay Wadamada Africa Dheertahay Guurtida Go,aanka Adag | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Somaliland Waxa ay Wadamada Africa Dheertahay Guurtida Go,aanka Adag
May 12, 2015 - Written by Editor:

Guud ahaan il baxnimada wadamada qaarada Africa ayaa soo bilaabmatay sanadihii lixdameeyadii markaasi oo ahayd wakhtigii wadamada qaarada Africa intooda badani  ay xornimada ka qaateen gumaystayaashii reer yurub ee haystay Africa,

Sanadahaasi  ayey dadka qaarada Africa bilaabeen inay qaataan nidaamka dawladnimo oo ugub ku ahaa guud ahaan qaarada Africa,

Somaliland waxay ka mid ahayd wadamadii markaasi xornimada qaatay balse iyaga oo an wax badanba haysan ayey la midoobeen somaliya, hamiga dadka Somalilandna waxa uu  ahaa in la sameeyo umad soomaaliyeed oo halwadan leh,

Arinkaasi waxa uu noqday mid dhicisoobay himiladii shacabka Somaliland ee ahaa midaynta qoomiyada somalida ee kala go gonaa, waxaa u badalay in tacadi aan tudhis lahayn uu u gaystay masuuliyiinta iyo shacabka Somaliland ba meelkasta oo ay joogeen, kaligii taliyihii siyad bare oo somaliya madaxweynaha ka ahaa

Taasna aakhirkii waxa ay keentay in shacabka Somaliland ay u dulqaadan waayeen dhibaatada lagu hayey, iyagoo go,aansaday inay dib ula soo noqdaan xornimadii ay lumiyeen lixdankii,

Xiligaasi lagu dhawaaqay dib ula soo noqoshada madaxbanaanida Somaliland ayaa shacabka Somaliland samaysteen gole xul ah oo misaan culus, kaas oo ilaa maanta la mahadiyo hawlaha ay qarankan u hayaan ,

Golahani oo ah golaha guurtida Somaliland ayaa samayntiisa waxa lagu jaangooyey dhamaan dadka wada daga Somaliland, waan gole cadaalad lagu yagleelay,

Hawlaha ay umadooda u hayaana waa qaar waxtar leh oo ay marwalba mahadiyaan umada Somaliland guud ahaan meelkasta oo ay joogaan,

Somaliland intii ay jirtay horumarada dhinaca dimuqraadiyada iyo isu tanaasulida ka dhacaa wa qaar aan waligeed ka dhicin qaarada Africa taas oo aad loogu bogaadiyo marwalba,

Hadaba inta ay Somaliland kaga horayso ama ay ku dhaaftay wadamada Africa  ayaa ah golaha go,aanadiisa la mahadiyo ee guurtida, golahani oo kale sida lagu helaa waa ay adagtahay maxaa yeelay waxa isku bahaystay ama ku jiraa, cuqaasha iyo waxgaradka bulshada intooda ugu badnayd,

Ugu danbayn waxa aan ku  soo koobi lahaa qormadan yar, shacabka Somaliland waa inay marwaliba garab istaagaan  golaha guurtida oo ah hormoodka guulaha Somaliland.

 

W/Q : ayaan axmed

Email : axlaanayaan@gmail.com

Oslo,  Norway

COMMENTS
LINKS